Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah oo isaga oo afkiisa hooyo ku hadlaya la shiray Gobolka Banaadir & mashaariic uu ballan qaaday (Ogow sababta)

0

(Muqdisho) 28 Maajo 2021 – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), ayaa maanta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay wefdi ka yimid dalka Sweden.

Wefdigan oo uu hogaaminayo Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Sweden, Per Olsson Fridh, oo booqasho rasmi ah haatan ku jooga Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo qaaday fulinta iyo maalgelinta dhowr mashruuc.

Waxaa mashaariicda laga wada hadlay ka mid ah; kuwo dhanka horumarinta ah, shaqo abuurka dhallinyarada, adeegyada bulshada iyo jihayntooda iyo caawinta barakacayaasha ku sugan magaalada Muqdisho.

Waxaa xusid mudan in Wasiirku uu ku hadlayey afkiisa hooyo ee Swedish-ka maadaama uu dhinac fadhiyey oo u tarjumayey Xiireey Khaliif, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir oo reer Stockholm ah.

Hadalsame Media