Fannaanka Sharma Boy oo ku dhaawacmay shil gaari (Dhimasho jirta & fannaan kale oo…)

0

(Garoowe) 28 Maajo 2021 – Shir gaari oo uu la kulmay gaari uu wadey fannaanka da’da yar ee Sharma Boy ku caan baxay ayaa laga soo sheegayaa duleedka Garoowe.

Faah faahin dheeri ah oo haatan soo baxaysa ayaa sheegaysa in shilkan gaari uu saaka ka dhacay Degaanka Buura-wadal oo dhaca woqooyiga Magaalada Garoowe.

Waxaa shilkaa ku geeriyootay gabar waxaana dhaawac kasoo gaaray 3 ruux oo uu ku jiro Fannaanka Da’da yar ee Sharma’arke Cabdinaasir (Sharma boy) oo isagu gaariga wadey, sida la sheegayo.

Lama faahfaahin qarada dhaawaca.

Warar hore oo sheegayey in uu gaariga la socdey Fannaanka kale ee Maslax Mideeye ayaa haatan la beeniyey.

Sawirka hoose waa gaariga shilka galay ee ay wateen dhallinyarada shilka la kulantay.

Sharma Boy ayaa dhowaan uun gaarey magaalada Garoowe.

Hadalsame Media