Qaban qaabada saxiixa Heshiiska Doorashada oo si wanaagsan u socota (Muran yar oo dhacay & arrin Farmaajo ku saabsan oo la is waydiinayo)

0

(Muqdisho) 26 Maajo 2021 – Wararkii ugudanbeeyay qaban qaabada Xaflada gaba-gabada shirka wadatashiga qaran ee doorashooyinka.

Hoolka xaflada ayaa lasheegay in diyaarintiis ladhamaystiray iyadoo lageeyay halkaas kuraas kala duwan oo loogu talagalay Masuuliyiinta iyo martida kala duwan.

Warar Xog-ogaal ah ayaa sheegaya in muran kooban u teendhada ku dhexmaray hawl wadeenada qaban qaabada xafladda, kaasoo salka ku haya habka fadhiga masuuliyiinta ka qaybgelaysa xafladda berito.

MW Farmaajo iyo Musharixiinta mucaaradka ayaa berito isku arki doona xafladda, iyadoo la is waydiinayo su’aalo ay kamid yihiin:

Farmaajo ma wuxuu u dhaqmi doonaa sidii ka qayb galkiisii aaskii Madaxweynihii hore Cali Mahdi, xiligaas oo uusan salaamin dhamaan madaxdii goobta ku sugnayd, isagoo xitaa aan wax tacsi ah u gudbin MW Sh.Shariif ooy ay xigto dhaw ahaayeen Cali Mahdi, marka dhaqanka la xeerinayo.

Haddaba, amniga goobta Xaflada beri waxaa si wadajir ah u sugi doona Ciidamada Amisom iyo Boliiska soomaaliya, waxaana lafilayaa in Wakiilada beesha caalamka ay ka soo qayb galaan Munaasabada berito ee saxiix heshiiska doorashada.

Allaw sahal Umuuraha.

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Nadaara

Hadalsame Media