Donnarumma oo Maldini ku yiri KELMAD si xun uga caraysiisey oo keentay inuu deg deg ku keeno Mike Maignan (Waa maxay?)

0

(Milano) 26 Maajo 2021 – AC Milan ayaa shalay si rasmi ah ula wareegtey qabtihii kooxda Lille ee hantay Horyaalka Faransiiska, taasoo ka dhigan in Gianluigi Donnarumma si rasmi ah albaabka loo tusay kaddib sanado badan oo ay arrintiisu jirdil niyadeed ku noqotay maamulka iyo taageearaasha Milan.

Laacibkan da’da yar oo kasoo baxay da’yarta Milan ayaa Milan la yimid dhaqan cusub iyadoo uu kiiska mushaharkiisu ma dhamaade ku noqday kooxda oo waloow ay u bandhigay 8milyan oo euro (7 m + 1 bonus) uu misna diidey wakiilkiisa Mino Raiola oo doonayey ugu yaraan 10 m, taasoo ay Milan u aragtay lacag uusan mudnayn.

Haddaba, maxaa keenay go’aanka deg degga ah ee Milan kaddib usoo bixitaankii Champions League? Warqaadka La Gazzetta dello Sport, ayaa caddadkiisii maanta ku sheegay inuu jiro eray keenay inay Milan furka xoorto oo uu dulqaadkii ka dhamaado, isla markaana ay lasoo deg degto goolwale Mike Maignan oo ay horay heshiis afka ah ula gaareen.

La Gazzetta dello Sport ayaa saaka kashifay in kaddib markii ay Milan xaqiijisey Champions League iyo booska 2-aad ee Serie A, uu Paolo Maldini waydiiyey Donnarumma in uu aqbalayo dalabka 8-da milyan ah ee Milan, yeelkeede, waxaa aad Maareeyaha Farsamada ee Milan uga caraysiisey jawaabta qabtaha Rossoneri oo ahayd: “Waxaan samayn doonaa waxa uu Raiola ii sheego”.

Waa kelmadaha kiciyey dareenka naadiga Milan ee keentay inay ku deg degaan soo qaadashada Maignan oo ah goolwalaha qura ee aan 23 kulan gool laga dhalin fasalkan Yurub oo idil, taasoo meel aanu filaynin istaajisey Gianluigi Donnarumma oo la sheegay in waloow uu sidan xaaladda u lug jiidey uusan misna filaynin inay Milan qaadi karto tillaabo iyo go’aan noocan ah.

Hadalsame Media