Maydkii Robert Mugabe oo la xukumay in xabaasha laga soo faago & xaaskiisa oo 4 sac oo ganaax ah lagu xukumay + Sababta & salka muranka

0

(Harare) 25 Maajo 2021 – Hoggaamiye Dhaqameedka Zimbabwe ayaa amray in lasoo faago qabrigii MW hore ee  Robert Mugabe si loogu aaso Qubuuraha Qaranka, taasoo dib u daartay doodda ku saabsan halka lagu aasay ninkii adkaa muddada dheer xukumayey dalkaasi.

Chief Zvimba ayaa xaaskiisii Grace Mugabe ku eedeeyey inay jebisey xeerarka maxalliga ah ee Zimbabwe kaddib markii uu Mugabe ku aastay tuuladii uu ku dhashay ee Kutama oo 100km u jirta Harare, gaar ahaan daaradda aqalkiisa.

Mr Mugabe, oo xijaabtey Septembar 2019 laba sanadood kaddib markii lagu ridey afgembi ciidan, ayaa wuxuu qoyskiisa kala dardaarmay inaysan MW Emmerson Mnangagwa, oo ay isku dheceen kaddib afgembigii, u ogolaanin inuu isagu maareeyo duugtiisa iyo in aan lagu aasin qubuuraha Heroes Acre ee caasimadda Harare.

Qoyska Mugabe ayaa haatan ku doodaya inay ixtiraamayaan dardaarankii Mugabe bixiyey markii uu moowdku usoo xaadirayey, balse Chief Zvimba ayaa arrintaa aad u diiddan isagoo eedeeyey xaaskii Mugabe, oo haatan cudur aan la sheegin looga dabiibayo Singapore, taasoo uu ku xukumay 5 sac iyo ri’ ganaax ah.

Yeelkeede, qoyska Mugabe ayaa deg deg u diidey xukunka caaqilka oo ay sheegeen inuusan ka talin aaggooda, isla markaana qofka doodda wada ee doonaya in lasoo bixiyo maydka Mugabe uusan qabiilkooda ka tirsanayn, sida ay sheegeen.

Hadalsame Media