Arrin aan marna lagu soo qaadin Shirka Teendhada oo dhibaato badan ku haysa dalka

0

(Hadalsame) 25 Maajo 2021 – DHAQAALE XUMO SOO WAJAHDEY BULSHADA SOOMAALIYEED GAAR AHAAN DANYARTA.

1 – Waxaa shaley Maqribkii arkey Gabar Garabka ku sida Caday ama Rumay oo saakey sidey uga soo baxdey Guriga aan hal xabbo laga gadey, waxay guriga ku laabaneysaa iyadoo niyad jabsan, inkastoo aan markii dambe 3 Doolar oo Caday ah ka qaadey oo aan u sii qaybiyey dadka wadada marayey

2 – Haddii aad fiirisid Carwooyinka, Hotelada iyo Maqaayadaha ku yaal Wadada Makka Almukarama haddii aan Ilaah Faraj keenin kuwa badan Albaabada waa la isugu dhufanayaa

3 – Lacagtii Shilinka Soomaaliga ee Danyarta ku nooleyd oo meesha ka sii baxeysa, waxaa arkey Lacagtii Shilin Soomaaliga ee lagu bixin jirey Sooryada Arooska oo hadda lagu bixinayo EVC taas oo ku dareensiineysa in Shilinkii Soomaaliga uu gabaabsi yahay

4 – Dadka danyarta ee ku noolaa Gargaarka Hayadaha Dibadda oo meesha ka baxdey, iyadoo 4 tii Sanno ee ugu dambeysey ma jirin Maraakiib Macaawino wada oo dalka soo gaartey iyadoo gargaarkaas uu ka imaan jirey Wadamada Carabta waxaa gargaarkaas isaga noolaa dadka danyarta

5 – Lacagaha ay Dowlada Bixiso wuxuu gacanta u galey Qurba joog oo Bankiyo ku yaal dibada ku shubtey, halkii la rabey in Dalka soo geliyeen waana qayb ka mid ah dhaqaale xumada soo wajahdey dalka.

Gunaanadkii, haddii aan ilaah Xagiisa Isbedel ka imaan oo Faraj deg deg ah Furin waa loo yaabaa dadka Danyarta ah ee isaga noolaa Ganacsiga yar yar, lacagta Shilin Soomaaliga iyo gargaarka dibadda.

Waxaa Qoray: Amiin Y Khasaaro

Hadalsame Media

Facebook Comments