Siyaasi fasiraad fiican ka bixiyey sababta uu jiitamey Shirka Doorashada Somalia (Maxaa khaldan?)

0

(Muqdisho) 20 Maajo 2021 – Siyaasiga iyo barbaariyaha Dr Cabduraxmaan Cabdullaahi Baadiyoow ayaa ka hadlay arrin ay dad badani horay ula yaabanaayeen oo ku saabsan hab-dhaqanka ay fahamka iyo mas’uuliyaddu ka maran yihiin ee siyaasiga Soomaaliyeed.

Doodada siyaasadda Somalia ayaa inta badan ku wareegaalaysata wax aanay dani ugu jirin guud ahaan dalka iyo dadka toona, halkaasoo nasiib darro ay shacabku kala taageeraan siyaasad aysan ku cayilaynin, baahina aan waxba uga taraynin.

Dr Baadiyoow ayaa qoraalkan ka sameeyey arrintan isagoo leh: ”Marka aan arko labiska madaxdeenna waxaad moodaa iney hogaamiyaan dowlad heer sare ah, waxeyna ku muransan yihiin waxyaabo micno wayn lahayn,”

”Ma waxaa dhib leh aan ka heshiino doorasho nawada qancisa? Maba moodid iney madax u yihiin shacab dagaal, abaar iyo saboolnimo halakeysay!” ayuu raaciyey.

Sida qoraalka Baadiyoow ka muuqataba muranka haatan taagan oo soo taagnaa muddo sanad ka badan uu salka ku hayo shakhsiyaad mas’uuliyadoodii dayacay balse iyagu isu muuqda, taasoo meesha ka saartay dantii guud ee ay umadda ugu xilka saarraayeen.

Hadalsame Media