Waalidkii ayaa suuxiyey, jarjaray kaddibna qashin qub ku dhex tuuray (Sabab aan loo qaadan karin)

0

(Ektaban) 20 Maajo 2021 – Film soo saare London-deganaa ayaa si xil leh loo diley loona dhalan rogey taasoo ay weliba kula keceen waalidkii kaddib markii uu dib ugu labtay dalkiisa Iiraan, sida ay booliisku sheegeen.

Maydka Babak Khorramdin, 47-jir, oo jarjaran ayaa waxaa laga helay boorso wayn oo lagu dhex tuuray meel qashin ah magaalada Ekbatan, galbeedka caasimadda Tehraan, Axaddii.

Babak iyo aabihii ayaa la sheegay inay ku murmayeen guur la’aanta wiilkiisa, iyadoo uu Mohammad Shahriari, Madaxda Maxkamadda Dembiyada ee Tehraan, uu haatan sheegay inuu aabuhu qirtay inuu wiilkiisa suuxiyey, kaddibna jarjaray oo uu boorso ku qaaday isagoo ku dhex ridey goob qashin qub ah.

Qiraalkaa kaddib ayaa xabsiga la wada dhigay labada waalid ee Babak dhashay iyadoo la wado baaritaanno qoto dheer oo lagu samaynayo umuurtan nasiib darrada ah. Booliiska ayaa sheegaya inay heleen cadaymo dheeraad ah.

Babak ayaa ka qalin jebiyey kuliyadda adabka ee Faculty of Fine Arts ee Jaamacadda University of Tehran sanaddii 2009 isagoo master ka qaatay Saneemada.

Sanadkii xigey ayuu u guurey magaalada London si uu wax uga sii barto samaynta aflaamta, kahor intaanu dib ugu soo laabanin Iiraan si uu ardayda wax u baro.

Aflaam gaagaaban oo uu sameeyey intii uu London joogey waxaa ka mid ah Crevice iyo Oath to Yashar, kuwaasoo ay yaab lahayd inay ku wada saabsanaayeen sida ay u dhib badan tahay in dal kale lagu noolaado oo qoyskaaga laga fogaado, kuwaasoo qalay markii uu ku laabtay.

Hadalsame Media