XOG: Duullimaadyadii isku xirayey Somalia-Kenya oo si deg deg ah loo furayo + Sababta

0

(Muqdisho) 17 Maajo 2021 – Idaacadda Codka Caasimadda ee Capital FM ee dalka Kenya, oo ka mid ah kuwa ugu waawayn dalkaasi ayaa sheegtay in dib loo furi doono duullimaadyadii isku xirayey Somalia-Kenya.

Kenya ayaa maalin dhowayd si deg deg mar qura u hakisay duullimaadyadaasi muddo 3 bilood ah, iyadoo aan bixinin sabab rasmi ah, sida laga soo xigtey hay’adda KCAA ee dalkaasi.

”Duullimaadyadii isku xirayey Somalia iyo Kenya ayaa lagu wadaa inay dhaqse usoo laabtaan kaddib markii ay kulmeen MW Kenyatta iyo RW Somalia.” ayaa lagu qoray Twitter-ka idaacadda.

MW Kenyatta iyo RW Somalia ayaa ka wada qayb galay munaasabaddii caleemo saarka MW Jabuuti, taasoo uusan xaadirin dhiggiisa Somalia, MW Farmaajo oo aysan sidoo kale isku fiicnayn MW Kenya.

Yeelkeede, waxaa la arkayey MW Kenyatta iyo RW Somalia, Md Rooble oo si gaar ah u wada hadlaya iyaga oo is dhinac fadhiya, waloow aanu jirin shir rasmi ah oo dhex maray inta la ogyahay.

Hadalsame Media