Somaliland oo lagu wareejiyey gaadiid casri ah oo wax wayn tari doona & qalab kale oo soo socda (Daawo)

0

(Hargaysa) 17 Maajo 2021 – Ururka Midowga Yurub xafiiskiisa Somalia ayaa Somaliland ku wareejiyey gaadiid cusub oo gacan ka gaysan doono nidaamka iyo kala dambaynta maamulkaasi.

Gaadiidkan oo uu kharashkiisa bixiyey Midowga Yurub iyo dalka Sweden, ayaa lagu wareejiyey hay’aadka cadaalad oogista iyo cadaalad fulinta ka shaqeeya ee Somaliland, sida Booliiska iyo Maxkamadaha.

Gaadiidkan soo kordhay ayaa gacan ka gaysan doona sugitaanka amaanka guud, gaar ahaan dhinacyada muraaqibaynta amaanka doorashooyinka iyo badbaadadooda iyo adeegyada sharciga ee la siinayo haweenka iyo carruurta.

Gaadiidkan cusub oo lasoo mariyey UNDP kana kooban 13 gaari, ayaa waxaa lagu wareejiyey Wasiir Xigeenka Arrimaha Gudaha Somaliland, iyadoo sidoo kale Booliiska la siin doono qalab kale oo isgaarsiineed. Waxaana goobjoog ahaa Danjiraha EU ee Somalia, Nicolas Berlanga.

Somaliland waxaa ka jira Maamul sheegay inuu ka go’ay Somalia inteeda kale, balse tiiyoo aanu jirin xitaa hal dal oo aqoonsaday muddo 30 sanadood ah, misna wuxuu ku naalloonayaa amaan iyo nabad markii nisbi ahaan koonfurta loo eego si wayn u dhaama.

Hadalsame Media