”Xaq adigu uma lihid!” – Maxkamadda Sare ee Kenya oo kabaha la dul martay MW Kenyatta oo wadey qorshe muddo-xileed kordhin ah

0

(Nairobi) 14 Maajo 2021 – Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa xukun ku riddey MW dalkaasi, Uhuru Kenyatta, kaasoo ay ku eedaysay inuu Dastuurka ku tuntay kaddib markii uu bilaabay hindisaha loo yaqaan Buundo Dhisidda ee Building Bridges Initiative (BBI).

5 garsoore oo Maxkamadda fadhiya ayaa go’aankan ku qaniiney MW Kenyatta ayaa lagu sheegay in BBI oo ay ku midoobeen 14 siyaasi isla markaana uu hoggaaminayey Senatarkii dhintay ee Gaarisa, Yuusuf Xaaji, uu yahay isbahaysi xaaraan ah oo aanu sharcigu aqoonin.

Garsoorayaasha oo uu hoggaaminayo Justice Joel Ngugi, ayaa sheegay in Madaxwaynuhu uu sameeyey khalad xeel dheer oo dhanka sharciga ah, kaddib markii uu isku dayey inuu Dastuurka wax ka bedelo, taasoo ah arrin aanu isagu xaq u lahayn.

Waxaa howshaa iska leh Baarlamanka dhexe, taasoo weliba loosii marayo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyadoo markaa kaddib codayn looga qaadi karo Baarlamanka oo haddii uu aqoonsado kaddib shacabka afti la waydiinayo.

“Madaxwaynuhu ma keeni karo hindise wax lagaga bedelayo Dastuurka waayo waxay taasi jebinaysaa Qodobka 257.” ayaa lagu yiri xukunka Maxkamadda Sare ee ka dhanka ah hindisaha BBI, iyadoo Madaxwayne xil haya, Wasiir ama hay’ad dowladeed aysan tillaabadaa ku dhaqaaqi karin.

Tillaabada Kenyatta iyo ragga la socda ayaa la fahamsan yahay inay salka ku hayso in la sameeyey muddo-xileed kordhin, maadaama aanu Dastuurka Kenya ogolayn in uu Madaxwayne xil hayo wax ka badan 2 muddo-xileed oo min 5 sanadood ah.

Kentatta ayaa xilka ku guulaystey Maarso 2013-kii.

Hadalsame Media