SAWIRRO: Turkiga oo sameeyey qori ku qaab ah PM-ka oo halkii mar ridi kara 12 gantaal (Tijaabo lagu guulaystey)

0

(Ankara) 14 Maajo 2021 – Sharikadda Turkishka ah ee farsameeysa gaadiidka kala duwan ee BMC Vuran ayaa lagu guulaystey in lagu xiro gantaal ride dhuumo badan oo ay Turkigu sameeyeen, kaasoo lala helay bartilmaameedyadii lagu shiishay.

Guddoonka Wershadaha Agabka Ciidamada ee Ismail Demir ayaa sheegay in gantaal ridaha dhuumaha badan oo ay tijaabiyeen uu yahay 107 mm MLRS kaasoo ay ku fara yaraysatay Roketsan.

Qoriga MLRS ayaa awood u leh inuu halkii marba uu gano 12 gantaal yare, waxaana marka koowaad lagu qalabayn doonaa Ciidamada Xoogga Turkiga.

Waxaa hannaankan farsamaysay sharikadda dhanka gantaalaha kusii hormaraysa ee Turkey ee Roketsan iyadoo kaashanaysa sharikad Turki ah oo kiimikada iyo makaanikada ku dheeraysa oo la yiraahdo MKEK.

Hadalsame Media