DIL-DILLAAC: Laacibiinta Juventus oo Ronaldo takooray & 5 kooxood oo uu midkood ku biiri karo

0

(Torino) 14 Maajo 2021 – Laacibiinta Juventus ayaa la sheegayaa inay qolka lebbiska ku cidleeyeen jookarka Cristiano Ronaldo, kaddib markii uu maalin dhan u qaatay inuu gaari ku kacaya £1.4milyan oo gini oo Ferrari Monza ah uu kasoo kexeeyo xarun ay shirkaddu leedahay oo ku taalla Maranello.

Laacibkan 5-ta jeer hantay Ballon d’Or ayaa waxaa la socdey MW Juventus ee Andrea Agnelli iyo Guddoonka Exor Chairman ee John Elkann, iyadoo mudnaantaa ka badbadiska ah ee CR7 la siiyey ay laacibiinta ka caraysiisey xilli ay weli nabrohooda leefayaan kaddib guuldarradii bahdilka ahayd ee ay 3-0 dirtay AC Milan.

Laacibiin badan oo Juventus ah ayaa la sheegayaa inay gunuunuc ka keeneen xorriyadda ka badbadiska ah ee la siinayo barbaarkii hore ee Real Madrid iyagoo qolka lebbiska ku cidleeyey kaddib guushii Sassuolo.

Ronie ayaa dhanka kale la sheegayaa inuusan guud ahaanba ku qanacsanayn sii joogitaanka Juve, iyadoo haddii ay kooxdu CL usoo bixi waydo la hadal hayo inuu aadi karo ilaa 5 kooxood oo kala ah: Sporting Lisbon, Man United, Real Madrid, PSG iyo Inter Miami oo uu joogo David Beckham.

Hadalsame Media