XOG: Midowga Afrika & Madaxtooyada Somalia oo madaxa iskula jira iskuna wareersan

0

(Kampala) 14 Maajo 2021 – Xogaha la helayo ayaa sheegaya in MW Farmaajo uu magaalada Kampala kulan doceed kula yeesha Guddoonka Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, jeer ay ka wada qayb gelayeen munaasabaddii caleemo-saarkii MW Yoweri Museveni oo muddo dheer dalkaa xukumaya.

Waxay wararku sheegayaan in MW Farmaajo uu Moussa Faki lasoo qaaday arrimaha Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika usoo magacowday Somalia iyo diidmo la sheegay inay kala hor tageen ninkaasi oo ah kala Madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama, kaasoo uu diidmo ka hor geeyey Wasiir Dibadeedka Somalia, Maxamed Cabdirisaaq, kaasoo warqad u diray AU 9-kii bishan Maajo.

XF ayaa ku doodday in maadaama haatan geeddi socodkii doorashada loo xawiley dhanka Warqaddan Ra’iisul Wasaaraha, Maxamed Xuseen Rooble, oo isna durba howsha galay iclaamiyeyna kulan la sugayo 20-ka bishan, aan loo baahnayn Ergay Gaar ah, waloow la sheegayo inay sidoo kale Kenya soo hadal qaadeen, sida inuu iyaga xiriir dhow la leeyahay.

Wararka haatan soo baxaya ayaa sheegaya in MW Farmaajo uu arrintaa si gaar ah ugu sheegay Guddoonka AU ee Moussa Faki, kaasoo aan weli jawaab rasmi ah oo go’an arrintaa ka siinin Farmaajo.

Midowga Afrika ayaa la fahamsan yahay inuu qayb ahaan ka jawaabayey isla codsi ka yimid Madaxtooyada oo beri dhowayd bilowday aragti ah in xiisadda taagan uu soo farageliyo Midowgu, balse haatan ayay misna diidayaan tillaabadii 1-aad ee ay codsigaa uga jawaabeen AU.

Si kastaba, maqaamka diblomaasiyadeed ee Somalia uma fiicna inay hadda kaddib dib ugu laabato ergay, waxayse ahayd in Madaxtooyadu ay markii hore si qoto dheer uga fikirto go’aamada ay gaarayso iyo sida ay wax u waddo.

Hadalsame Media