XOG MUHIM AH: Kenya ma hawada ayay xiratey mise? Halkeese martay dayuuraddii MW Farmaajo?

0

(Nairobi) 11 Maajo 2021 – Waxaa markale dib u curtay murankii diblomaasiyadeed ee Somalia iyo Kenya kaddib markii ay Dowladda xil-gaarsiinta ihi ku dhawaaqday inay soo celisey.

Kenya ayaa iyaduna soo dhoweysey balse waxa Villa Somalia kasoo baxay warar kale oo uu ku jiro inaan Jaadka la furaynin, xilli aanba wada hadal furmin.

Kenya ayaa maanta iyaduna ku dhawaaqday inay gebi ahaanba muddo 3 bilood ah hakisay duullimaadyadii tegayey ama kaga imanayey dhanka Kenya, sida ku cad waxa loo yaqaan NOTAM oo ah ogaysiis ku jeeda duuliyeyaasha oo kasoo fufay Hay’adda Duullimaadyada Rayidka ah ee KCCA..

MW xil-gaarsiinta ah ayaa haddaba iska maanta u dhoofay dalka Uganda si uu uga qaybgalo caleemo saarka kali taliye Musaveni, waxaana la is waydiinayaa halka uu maray.

Xogo hoose oo aannu helnay ayaa sheegaya inuu dul maray isla Kenya, maadaama aanu farsamo ahaan haatan xirnayn khadka hawada Kenya.

“Lama ogolaan doono wax duullimaad ah oo ka yimi ama u socda Somalia muddo 3 bilood ah marka laga reebo kuwa QM iyo gargaarka aadminnimo, balse duullimaadyada Somalia ka imanaya ee Kenya dul maraya ayaa fasaxan oo iyaga ma saamayn doonto xayiraaddu.” ayaa lagu qoray Daily Nation.

 

Hadalsame Media