Hal sabab oo looga faa’iidaysanayo dadka Soomaaliyeed (Dad aadan filayn oo ku jira)

0

(Hadalsame) 10 Maajo 2021 – Dadka iyo dalka Soomaaliyeed wexey u dhimanayaan, dad dayacooda iyo dib u dhacooda ku nool oo ku naaxa oo aan ka nixi hayn.. hal ku dheggooduna yahay: ”Dad iyagu raalli ku ah in dayacooda laga faa’iidaysto, uma qalmaan in laga naxo.”

Sidaa awgeed xariifnimada siyaasadda Soomaaliya, aragtidooda, waa: xoogaa lacag ah dal shisheeye ka hel, codadka iyo kuraasta kala iibi, magacyada kala shaandhee, saf ha laguu soo galo, ha laguu soo gurguurto liiska igu dar, kursiga marka aad ku fariisatana danahaaga fusho, laaluushka qaybi.

Ilmahaaga dibadda geyso, dan yar waxba kaama gelin, saboolka gaajo ha dubato, dhalintu dalka ha ka cararaan, dalku qaraxa halla noolaado, adiguna gaari aan xabbaddu karin guradiisa ka gal. Iyagaa sidaas raalli ku ah maxaa kaa galay? Oo saaxiibow horumarkii dalka iyo kaabayaashiisana?

Cisbitaal dhismihiis waqtigiisa lama joogo! Madaxu hadduu ku xanuuno Istanbul, Doha, Abudhabi iyo India, London iyo Frankfurt aad! Wixii dhimanayaa ha dhintaan. Koronto iyo biyo in la isku mashquuliyo hadda ma aha! Beer iyo kalluun, wershedo iyo xoolo, shaqa-abuur iyo sabool la dirir xilligoodii lama gaarin.

Haddaadan siyaasadda sidaas u aqoon badow baad tahay, caadifi ah oo ciyaartan aan geli karin.

Waxaa Qoray: Sh. Maxamed Idriis

Hadalsame Media