DF Somalia oo war cusub kasoo saartay xiriirka Kenya (Jaadka miyaa la furayaa?)

0

(Muqdisho) 09 Maajo 2021 – DF ayaa beri dhowayd ku dhawaaqday inay soo celisey xiriirkii diblomaasiga ahaa ee ay la lahayd Kenya, kaasoo ay Kenya sidoo kale soo dhoweysey walow ay afkeeda ka dhowrtay DF ah.

Madaxtooyada ayaa war kasoo saartay xiriirka lasoo celiyey iyo meelaha uu khusayn doono iyadoo hoosta ka xarriiqday in aanu ku Jaadku ku jiri doonin.

“Qaadka Miiroowga ah wali looma ogola in dalka la keeno. Isfahamka labada dal waa mid ku eg soocelinta xiriirka diblomaasiyadeed,” ayuu yiri Agaasime Xigeenka Madaxtooyada, Cabdinuur Axmed.

“Kala ganacsi iyo wax wada qabsi waxay ku iman karaan wadaxaajood iyo gorgortan ay ka dhalato dheef wadaag u qalanta labada dal.” Ayaa la daba dhigay qoraalka oo la marsiiyey Hay’adda Duullimaadka Rayidka ah.

Xiriirrada dalalka lala leeyahay ayay tahay inay go’aan ka gaaraan Baarlamanku balse arrintan waxaa marna jaray marna soo celisey XF.

 

Hadalsame Media