Faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa qaraxii xalay lala beegsaday Saldhigga Waaberi

0

(Muqdisho) 10 Maajo 2021 – Waxaa soo baxaya faahfaahinno dheeraad ah oo ku saabsan weerar xalay ka dhacay magalada Muqdisho kuwaasoo tibaaxaya in 6 qofi ay ku dhinteen qarax xalay lala beegsaday Saldhiga Booliiska Degmada Waaberi.

Labo ka mid ah dadkii qaraxa ku dhintay ayaa ahaa saraakiil sarsare oo ka tirsanaa Booliska Soomaaliya, halka 4-ta kalena ay ahaayeen dad rayid ah oo wadada marayay markii uu qaraxa dhacayay.

Saraakiisha ku dhimatay qaraxa waxaa ka mid ah Taliyahii Saldhiga Booliiska Degmada Waaberi Axmed Baashane oo loo yiqiinney Calooleey iyo Taliye Xigeenkii Qaybta Weliyow Cadde, Cabdi Baasid Cabdullaahi.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya, Saadiq Doodisho, oo warbaahinta maxalliga Muqdisho ku la hadlay ayaa bidhaamiyey in weerarka uu fuliyay qof isa soo miidaamiyay.

Afhayeenka ayaa intaa raaciyey in dadka meesha wax ku gaareen ay tira ahaan ahaayeen 12 qofood oo kala ah 6 qof oo dhimasho ah iyo 6 qof oo dhaawac ah iyo qofkii naftii haligaha ahaa ee is qarxiyey.

Waxaa qaraxan ka tacsiyeeyey MW Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo RW Rooble oo isku raacay cambaareeynta qaraxa lala eegtay Saldhiga Booliiska Waaberi, iyagoo shacabka ka dalbaday inay ”isku duubni muujiyaan.”

Kooxda xag-jirka ah ee Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxan ay marka laga soo tago saraakiisha Booliiska ay sidoo kale ay ku dhinteen dad rayid ihi.

Hadalsame Media