Turkiga & UK oo isku mari la’ martigelinta dhamaadka CL (Dowladda UK oo safarkii ku adkaysay Chelsea iyo Man City)

0

(Istanbul) 10 Maajo 2021 – Turkiga ayaa wada xaajood kula jira Xiriirka UEFA si meel loo saaro madasha lagu qabanayo dhamaadka Champions League, kaasoo horay loogu asteeyey magaalada Istanbul balse taa shaki galay kaddib markii ay UK ”liiska cas” ku dartay Turkiga.

Arrintaa ayaa taageerayaasha Ingiriiska ku adkaynaysa inay u safraan Turkey, iyadoo ay weliba FA-ga dalkaasi sheegeen inay UEFA kala xaajoonayaan in ciyaartan dhamaadka oo wada Ingiriis ah lagu dhigo dalka Ingiriiska.

Kooxaha Chelsea iyo Manchester City ayay tahay inay 25-ka bisha Maajo ku kulmaan Istanbul, iyadoo ay UEFA qorshaysay inay ciyaartaa soo xaadiraan ilaa 10,000 oo taageere.

Yeelkeede, go’aanka UK ayaa niyad jab ku keenay Turkiga oo horay u sheegay inay diyaariyeen saanaddii iyo kaabayaashii loo baahnaa iyadoo ay ciyaartani muhim u tahay dalkaasi gaar ahaan Istanbul oo dalxiiska aad ugu tiirsan.

Wasaaradaha Dibedda, Dhallinyarada iyo Isboortiga, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Xiriirka Kubadda Cagta Turkey (TFF) ayaa wada hadallo la bilaabay UEFA, si loo helo xal guud.

Waxay xitaa dalban karaan in ciyaartan loo riixo ilaa bisha Agoosto, sida uu qorayo Sabah, iyadoo ay UEFA go’aankeeda ku dhawaaqi doonto maalmaha yar ee soo aaddan.

Turkiga ayaa haatan kaalinta 4-aad uga jira kiisaska COVID-19, iyadoo maalintii la helayo 60,000 oo kiis. MW Recep Tayyip Erdoğan ayaa Sabtigii sheegay inay dhici karto in wax la furfuro 17-ka bishan Maajo.

Dalxiiska dalka Turkey ayaa jug aad u xun kala kulmay cudurkan oo uu ku khasaaray 2/3 dakhligii uga iman jirey dalxiiska, iyadoo lacagta uu waayey lagu qiyaasay $12 bilyan oo doollar (TL 98.85 bilyan) sanadkii hore.

Hadalsame Media