RASMI: DF oo dib u soo celisey xiriirkii diblomaasi ee Kenya + Sababta (Jaadkii miyaa la furayaa?)

0

(Muqdisho) 06 Maajo 2021 – DF Somalia ayaa si rasmi ah usoo celisey xiriirkii diblomaasiga ahaa ee ay la lahayd dalka Kenya.

Sida uu sheegay Wasiir Xigeenka DF Somalia, Al Cadaala, labada dal ayaa ku heshiiyey inay joojiyaan wixii wax u dhimaya xiriirka labada dal sida faragelinta.

“Waxyaabo uu ka mid yahay ganacsiga sida kan Jaadka waa laga wada hadli doonaa.” Ayuu yiri Al Cadaala oo ka jawaabayey in dib loo furayo ganacsigii Miirowga.

Wasiir Xigeenka ayaa qiray in uu arrintan gacan ku leeyahay Ergayga Qadar ee Dr Mutlaq Al-qaxdaani oo haatan Fariin gaarsiiyey Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, taasoo uu usoo dhiibey Amiirka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani.

Dr. Mutlaq Al-Qahtani ayaa kahor booqasho booqasho dhowr cisho qaadatay ku joogey magaalada Muqdisho oo uu si kala gaar gaar ah ula kulmay Madaxda dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Mucaaradka.

Lama oga tillaabooyinka xigi doona iyo in sidoo ay Kenya sidoo kale cayrsanayso heshiis xeer jajab ah oo laga gaaro arrinta badda ay sheeganayso iyo in kale.