XOG: Dowladda Kenya oo wefdi ballaaran usoo diri doonta dalka Somalia

0

(Nairobi) 06 Maajo 2021 – Warar hoose oo ka imanaya dhanka Nairobi ayaa sheegaya inay Kenya Muqdisho usoo diri doonto wefdi ballaaran oo heer sare ah.

Wefdigan oo lagu wado inuu Xamar soo aado todobaadka xiga, ayaa la kulmi doona Madaxa Xukuumadda xil-gaarsiinta ah, RW Rooble.

Sida laga helayo ilo ku dhow siyaasadda Kenya oo aan magacyada xusin, waxaa wefdigaasi hoggaamin doona Xoghayaha joogta ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda amaba xitaa Wasiirka laftiisa.

Wefdiga ayaa madaxda DF kala hadli doona wanaajinta xiriirka labada dal ee deriska ah iyo arrimo uu ka mid yahay ganacsigu.

Tillaabadan ayay Kenya qaadaysaa kaddib markii ay XF ku dhawaaqday inay si rasmi ah usoo celisey xiriirkii Kenya oo ay jartay 6 bilood kahor.

Hadalsame Media

Facebook Comments