MW Farmaajo oo qorshe cusub u bandhigay culimadii uu xalay la kulmay + Sawirro

0

(Muqdisho) 05 Maajo 2021 – MW Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu Madaxtooyada habeenkii xalay ahaa ku qaabiley qaar ka mid culimada Somalia, kuwaasoo uu u dhiibtey hal codsi.

Madaxwaynaha uu muddo-xileedkii u dhamaaday, ayaa culimada u sheegay in xasaradda dalka ka oogan ay xal u noqon karto haddii la helo ”wada shaqayn buuxda” oo dhexmarta madaxda DF, shacabka iyo culimada dalka.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale wuxuu culimada ku amaanay doorka togan ee wacyigelimnta iyo hanuuninta iskugu jira ee ay ugu tooran yihiin dalka, isagoo ku boorriyey inay gacan wayn kasii gaystaan hakinta iyo kahortagga colaadaha laayaanka ah iyo taakulaynta dadka ku tabaalooba abaaraha dabiiciga ah ee dalka.

Culimada goobta ka hadashay laftooda ayaa Madaxtooyada u sheegay muhiimadda ay leedahay hoggaaminta wanaagsan, gudashada amaanada umadda iyo xukun wanaagga ku dhisan ilaalinta danta guud.

MW Farmaajo oo uu muddo-xileedkii ka dhamaaday isaga oo aan doorasho qaban isla markaana heshiis siyaasadeed ka helin dhinacyada haatan go’aamiya siyaasadda qaybsan ee dalka ayaa habeennadan wada kulamo kala geddisan oo uu la qaadanayo qaybaha bulshada, xilli laga sugayo inuu xal u keeno xasaradda haatan taagan.

Hadalsame Media