Qabiil marna ma keeno wax ka badan qab maran, khilaaf taban, qaybsanaan, qaran jab & qabyaalad

0

(Hadalsame) 05 Maajo 2021 – Qabiilkaaga, qaranka ayaa ka weyn! Askumidda fikradaha iyo in la dhiso go’aanno lagu qaabeeyo nolosha aadanaha, waxay ku xirantahay, hadba sidii ay u fikirto bulshada ku nool bey’ada ay ku abuurantahay, waana waxa maanta lagu kala dhaqaaqay oo lagu kala hormaray.

In nolosha la qaabeeyase, kama wada timaado si guud dadka oo dhan. Qaran kasta waxaa u howshooda koox gaar ah oo allifta halkii loo jiheyn lahaa, kuwaas oo afkaarta ay dhilaan hab cilmi ah ula yimaada bulshada, kadibna billaaba iney u tabliiqeeyaan sidii loola qaadan lahaa.

Soomaaliya oo maanta noqotay “Hashii ninka gurrani dheelmay”, waxaa hadba lagusoo tijaabiyay aragtiyo badidood aan laheyn ujeeddo dhab ah, kuwaas oo qaarkood dhaxalsiiyay bur-burkii cid kastaahi dacartiisii leeftay, waxaana ugu horreyay QABIILKA oo laga raray sumaddii garahada oo loo weeciyay in la isku kala sarreysiiyo QABYAALAD.

Maanta oo aan ognahay in qof kasta oo Soomaali ah uu leeyahay booga danqanaya, waa ku ayaan-darro in fikraddii qabiiliga dib loosoo tumay, shalayna loosoo dhiibay dhallintii labeenta aheyd, maantana iyo shalayna madax badan lasoo ban baxeen.

Ma garan karo wax Soomaali ka hooseeya oo maanta la raadinayo?!

Nin oday ah ayaa laga hayaa “Muska usha ku dhufo, wixii ku jira, iyagaa ka boodi doonee”, maanta durbaan tunka reera muujinta, qabiil tilmaan maahee, waa qabyaalad kicin.

Abwaan Guure ayaa maanso uu kaga hadlayay, wixii Soomaali dhigay halka ay ku jabtay ayaa meerisyo ku jiray waxaa kamid ahaa:-

Qabiilkii muddaba iil

ku jiree madiidaxay

miiskii lasoo saar!.

Haddaba, waxaan qabaa in siyaasadda dowladeed muxaafid leedahay, mucaaradna leedahay, waxayna isku diidaan aragtiyo, waxaana loo wada noqdaa shacabka oo mideysan sidii ay dhinac fikirkiisa u qaadan lahaayeen “Doorasho iyo codeyn”, laakiin umaddii mid aheyd lama kala raro.

Qabiilkaagu waa kuu gaar, hase-ahaatee dan qaran ayaa aniga iyo adiga inna mideysee, taada gaarka ah, teenna hakula dul wareegina.

FG: Waxaan u baahannahay dowlad aragti wadata iyo mucaarad sita mabda’ ka weyn qabiil.

Waxaan nahay Soomaali.

Waxaa Qoray: Cabdicasiis Axmed Barrow

Hadalsame Media