UK oo Kenya marqaati uga dhigtay hoos u dhigidda qiyamka diblomaasiyadeed ee Somalia

0

(Nairobi) 29 Abriil 2021 – Danjiraha UK ee dalka Somalia, Kate Foster ayaa qaadday tillaabo loo qaatay inay hoos u yara laalaadinayso qiyamka diblomaasiyadeed ee dalka Somalia.

Danjire Foster ayaa maanta Nairobi, gaar ahaan Xarunta Gaashaandhigga Kenya ee Ulinzi House, halkaasoo ay kula kulantay Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, Monica Juma oo sidoo kale xilligii ay ahayd Wasiir Dibadeedka Kenya ay ahayd waqtigii ay cirka isku shareertay xiisada dibloomaasiyadeed ee Somalia iyo Kenya, kaddib markii la eryey Danjiraha Somalia.

”Waxaan soo dhoweeyey Danjire Kate Foster, Danjiraha UK ee Somalia oo igu soo booqatay Xafiiskayga Ulinzi House maanta,” ayay tiri Monica Juma.

”Waxay iga xog-siisay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka Somalia, waxaana markale u xaqiijinnay sida aannu u adkayn karno sida aannu jaalka ugu nahay xasillooni waarta oo ka hana qaadda Somalia.” ayay daba dhigtay.

Arrintan ayaa weji gabax ku ah Somalia iyo siyaasiyiinta aayeheeda ku muransan, waayo marka la eego afka dibloomaasiyadda waa khalad in laba dal oo weliba uu mid xafiiltan kala dhexeeyo Somalia ay ka wada hadlaan arrimaha Somalia, taasoo ahayd sidii Somalia loola dhaqmi jirey xilliyadii dowlad la’aanta.

Arrintan ayaa soo jeedinaysa in aan UK arrintaa looga xumaan, maadaama uu dhibku ka yimid khilaafka Soomaalida, balse loo baahan yahay in la isu yimaado oo dalka horay loo wado, iyadoo la iska dhaafayo danaha gaarka ah ee dib u celinaya kuwa guud.

Dalka ayaa haatan ku jira qalalaase siyaasadeed oo halis ah, kaddib markii uu Aqalka Hoose oo uu waqtigu ka dhamaaday uu ku dhawaaqay muddo kordhin aan sharci ahayn isla markaana aan heshiis lagu ahayn, taasoo ragaadinaysa howlihii dowlad dhisidda dalka.

Hadalsame Media