”Madaxweyne Farmaajo, saaxiibkeyow mar i maqal!!” – Weriye Colombo oo talo dareen leh siiyey MW Farmaajo

0

(Hadalsame) 29 Abriil 2021 – Saaxiibow taariikhdu waa isa soo celcelisaa ee aan ku xusuusiyo dhacdo aan xusuusteyda ka go’in. Alle ha u naxariistee Ganacsade Cumar Ganey oo ay Alle ha u naxariistee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre saaxiibbo ahaayeen 50 sano ayaa Madaxtooyada ugu tegay Maxamed Siyaad markii ay Muqdisho xabaddu ka billaabatay Dec 1990.

Wuxuu ku yiri “Maxamed Siyaadow waxaan saaxiibbo nahay 50 sano, intii aad Madaxweynaha aheydna waligey xil, hanti iyo dan ii gaar ah kuuguma i maan. Maanta waxaa gurigayga iga keenay lexajeclada adiga iyo dalkaba iga kiin heysa, ee fadlan dalka iyo dadka badbaadi oo banneey kursigaan dabka ku shidan yahay, oo damacaada ha u burburin dalkaada. Maxamed Siyaad dheg jalaq uma siin codsigii iyo taladii Cumar Ganey.

Waxaanse hubaa in uu ka qoomameeyay in uu ka dhego-adeygay talada saaxiibkiis markii bil kadib Madaxtooyada looga saaray ee uu duurka galay, kadiba uu isagoo qaxooti ah ku geeriyooday dalka Nigeria.

Saaxiibkeyga qaaliga ahow Maxamedow waxaad tahay saaxiib iyo walaal aan jeclahay oo aan marxalado kala duwan isla soo marnay. Waxaad marag iig tahay in aan si niyad iyo nafhurnimo ah kuula soo shaqeeyay si aad kursiga ugu guuleysato oo dalka Madaxweyne uga noqoto, waayo waxaan u arkayay in aad Soomaaliya samatabixin karto oo aad danta dalka iyo dadka ka shaqeyn doonto.

Saaxiibow waa i dhibaysaa in dhiigga dadkeygu si fudud u daato oo dalkeygu dagaallo-sokeeye u galo damaca saaxiibkey Farmaajo. Waxaan ku kalsoonahay daljaceylkaada iyo niyadwanaaggaada, waxaase ii muuqata in uu dalku khatar ku sii socdo, oo aan qarka u saarannahay burbur iyo dagaallo-sokeeye.

Dad badan oo aan ka mid ahay oo ka walwalsan mustaqbalka dalka ayaa sugaya khudbadda aad sabtida ka horjeedin doonto Golaha Shacabka. Waxaa laga yaabaa in ay noqoto fursaddii ugu dambaysay ee aad shacabka kula hadleyso iyadoo hadalkaadu xiiso leeyahay. Waxaan kaa rajaynayaa in aad qaadato go’aan xilkasnimo ku dheehan tahay, oo aad ka dhigato khudbad sagootin iyo rajo-soo-celin ah, oo aad dib ugu soo nooleyso qalbiyada quusatay. Ayna noqoto khudbad dhegaha shacabka ku harto oo lagugu soo xusuusto, Muqdishana dib ugu soo celiso hooyooyinka qaxay.

Khudbadahaaadii ugu dambeeyay waxaan kaa arkay dhaqan aanan kugu aqoonin oo ah in aad dad kale eedeyso. Si aad u sheegto in aad saxan tahay kuma qasbanid in aad dad kale eedeyso. In aad qaladka qirtana waa gobannimo. Waxaan kaa filayaa in aad fursaddaan uga faa’iideysato in aad shacabka Soomaaliyeed ka raalligeliso qalad kasta oo kaa dhacay intii aad masiirkooda joongoynaysay.

Cadawga ugu halista badan ee aan maanta kaaga cabsanayo waa dadka kugu hareereysan ee aan warkaada war kale ka soo celin. Saaxiib ka digtoonow kuwa kuu nacamleeya ee aan isku dayin in ay aragti kugu biiriyaan, aana ku dhiirran karin in ay ku qabtaan marka aad qaldan tahay. Kuwaas markii aad kursiga ka tagto ayay kugu been abuuran doonaan, oo waxay dhihi doonaan: Anigu arrintaas waan kala taliyay, balse wuu iga diiday.

Intii aan ku jirnay dadaalladii aad kursiga ku dooneysay iyo intii aad Madaxweynaha aheydba marna kaalama hadlin dan ii gaar ah. Ee saaxiibkey Farmaajow maanta mar i maqal oo damacaada ha u burburin dalkaada hooyo. Waxaana rajaynayaa in aad taariikhda wax ka barato oo aadan taladeyga uga dhega-adeygin sidii uu Maxamed Siyaad Barre dhegaha ku fureystay taladii saaxiibkiis Cumar Ganey.

Waan ku kalsoonahay in farriintaan ku soo gaari doonto, waxaana laga yaabaa in aad is waydiiso sababta aan farriintaan Facebook ugu soo qoray anigoo si gaar ah kuugu soo diri kara. Saaxiibow damiirkeyga ayaa i faray in aan farriintaan kuu soo marsiiyo halkaan oo aan dadka ugu sheegi jiray rajada wanaagsan ee aan kaa qabo haddii aad Madaxweyne noqoto.

Adiga iyo Soomaaliyaba waxaan idin rajaynayaa mustaqbal ifaya, saaxiib.

Fiiro Gaar ah: Sawirka ninka geeska u xiga ee shaarka madow waa Maxamud Makis oo ka mid ahaan jirey qorayaasha Wargeyskii Xidigta Oktobar, waxaa ku xiga Madaxweyne Farmaajo,waxaa kusii xiga Amiin Caamir iyo Aniga.

Saaxiib iga gudoon salaan diiran.

Waxaa Qoray: Cabdullaahi Nuur Colombo

Annandale, Virginia, USA

Hadalsame Media