XOG: MW Farmaajo, RW Rooble & Mursal oo khilaaf laga soo sheegayo iyo qorshe socda

0

(Muqdisho) 29 Abriil 2021 – Waxaa muuqata sii kala fogaanshiyaha siyaasiyiintii mudaba halka doon wadasaarnaa, oo kala ah madaxwayne Farmaajo, RW Rooble iyo sadexda maamul goboleed ee Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur galbeed.

Sida ay ii sheegeen ilo xog ogaal ah, warsaxaafadeedyadii ka soo kala baxay xaafiisyada Galmudug, Hirshabelle iyo Ra’iisalwasaaraha ayaa waxaa ay baajiyeen go’aan ay qaateen madaxwayne Farmaajo iyo lataliyayaashiisa, kaasi oo ahaa in weerar lagu soo afjarayo xiisadda Muqdisho ay dawladdu ku qaado kooxaha mucaaradka ee ka soo horjeeda muddo kororsiga.

Shirkii caawa u socday RW Rooble, Labada maamul goboleed ee Galmudug iyo Hirshabelle iyo midawga musharixiinta ayaa diiradda lagu saaray laba qodob oo kala ah arrinta amniga Muqdisho iyo sidii loo aadi lahaa doorasho loo dhan yahay.

RW Rooble oo taageero ka helaya beesha Caalamka, maamul goboleedyada iyo midawga musharixiinta ayaa la filayaa in uu ku baaqo shir ay isugu yimaadaan maamul goboleedyada iyo qaybaha bulshada, kaas oo la filayo in uu ka dhaco muqdisho.

Beesha Caalmka oo la sheegay in ay la hadashay Gudoomiyaha Baarlamaanka mursal ayaa kula talisay in aanu qaadin talaabo ka hor imaanayso doorashada 17 Sebtember.

Waxaa Diyaariyey: Xasan Cadde

Hadalsame Media