Turkiga oo soo saaray magacyada jaamacadaha Somalia ee uu aqoonsan yahay

0

(Ankara) 29 Abriil 2021 – Dalka Turkiga oo soo bandhigey jaamacadaha Somalia kuwooda uu aqoonsan yahay ee uu qiimayn doono ardayda kasoo baxda.

Waxaa ay jaamacadahaasi gaarayaan ilaa 8 jaamacadood, kuwaadoo 6 ka mid ihi ay ku yaallaan magaalada Xamar  halka labada soo hartay ay ku yaallaan Somaliland.

Waxaa dabcan ka mid ah Jaamacadaha Muqdisho, tan Umadda, iyo Camuud oo ku taalla Gobolka Awdal ee woqooyiga dalka.

Halkan hoose ka eeg taxa oo idil:

1 – Somali National University
2 – University of Somalia (UNISO)
3 – Mogadisho University
4 – Benadir University
5 – Simad University
6 – Hargeisa University
7 – City University of Mogadisho
8 – Amoud University

Turkiga ayaa sanad kasta boqollaal arday wuxuu dalkiisa ka siiyaa deeq waxbarasho iyadoo aqoonsiga jaamacadahani ay muhim u tahay ardayda Turkiga u aadaysa shahaadooyinka darajada 2-aad iwm.

Hadalsame Media