Somalia oo garan la’ istaraatijiyad uu gartay Gobolka Soomaalida (Waa aragti muhim u ah qoowmiyadda)

0

(Jigjiga) 26 Abriil 2021 – Wasiir Xigeenka Madaxtooyada Gobolka Soomaalida, Cumar Faaruuq Warfaa, ayaa dhallinyarada degaankaasi uga digey inay la fal-galaan siyaasadda dalka Somalia.

“Waxaan Baraha Bulshada ku arkayaa dhallinyaro badan oo degaanka ka soo jeeda kuwaas oo si aan caafimaad qabin uga faalloonaya dhacdooyin la xiriira Somalia iyo xaaladda ka aloosan Muqdisho,” ayuu yiri Wasiirku.

Wuxuu sheegay in Gobolka Soomaalidu uu dhiirrigalinayo is-dhexgal bulsho iyo mid dhaqaale oo lala wadaagayo jinsiga Soomaaliga ah ee isku dhalashada ah, balse aan loo baahnayn in siyaasadda faraha lala galo, taasoo keenaysa inuu Gobolka laftiisu kala qaybsamo.
nahay.

”Ma doonayno in dhaqan-siyaasadeedka gurracan ee dalka Somalia uu saamayn taban ku yeesho bulshadeena. Waxaadna xusuusataan inaynu nahay 8 milyan oo 100 milyan oo ay ku dhex nooshahay in ay wax laqaybsato rabta.” ayuu raaciyey.

Wuxuu farta ku fiiqay in waxa kali ah ee ay walalaha Soomaaliyeed, meel walba ha jogaane, ay ka mudan yihiin ay tahay darisnimo, la dhaqan wanaagsan iyo dabcan duco.

”Baloolleydeena inoo tuma iyadaaba maaweelo siyaasadeed inoogu filane!”. ayuu ku kaftamay Wasiir Xigeenku oo muujiyey inuu ku baraarugsan yahay arrin aysan inta badan ka kadlin siyaasiyiinta Soomaalidu oo ah in ay dad Soomaalida ka badani ay deris la yihiin.

Hadalsame Media