”Aan dhaafno ha is dhameeyaan si aan dhulkooda u dhaxalno!” – Akhri fal-celinta Kenyan-ka ee xiisadda Muqdisho

0

(Nairobi) 26 Abriil 2021 – Wargayska afka dheer ee The Nation oo kasoo baxa dalka Kenya ayaa soo qaatay sheeko ku saabsan xasaradda ka oogan magaalada Muqdisho oo sii cakiraysa xaaladdii markii horeba taagnayd ee doorashada dalka.

Wargayska ayaa cinwaan ka dhigay ”inuu durba dildillaac ka dhex muuqdo Ciidanka Xoogga Dalka Somalia”, kaddib markii ay ciidamo iskugu jira millateri iyo booliis ay aagag istaraatiji ah ka xirteen magaalada Muqdisho, iyagoo sheegay inaysan ogolayn muddo kororsiga aan heshiiska lagu ahayn.

Haddaba, halkan xogi idinkuma seeggana, balse waxaan soo qaadanaynaa fal-celinta dadka Kenyan-ka ah:

Millan Juma ”Waa dal fashilmay oo sugaya in la kala diro… Kenya waa inay fursaddan uga faa’iidaysataa inay addoonsato. Somalia si isla’eg halloogu qaybiyo Kenya, Ethiopia iyo Djibouti.”

Muthomi Alvin ”Somalia halla iska daayo… tiiyoo ay Kenya ku dadaashey inay deris ahaan u caawiso waxay qaniineen gacantii quudisay… waxaan rajaynayaa inaysan dib dambe Kasarani dowlad ugu dhisan.”

Ken Odanga ”Aan u ogolaanno inay siday rabaan yeelaan. Waa inaan dhulkooda kaddib dhaxalnaa marka ay is dhameeyaan.”

Eric Munene ”Somalia dagaalku waa sidii rooti. Waxaan ka xumahay dhibka gaaraya shacabka rayidka ah.”

Collins Morgan ”Uhuru waa tan fursaddii aannu Somalia ku qaadan lahayn kahor inta uusan qaadan Museveni.”

Arap Too Nick ”Waxay ila tahay in ICJ ay Kenya siiso min Kismaayo ilaa qaybta galbeed ee Somaliland, dadkani daacad uma aha dalkooda, midkoodna waddani ma aha.”

Akoko Ken ”Walaaleheen ayaa dartood u dhintay si nolol fiican loogu sameeyo, balse xitaa waa dhihi waayeen ”Kenya mahadsanid”. Aan aragno inta ay kaligood socon karaan.”

Anthony Njoroge ”Waxaan jeclaan lahaa in dhulka Somalia uu iska jaro Afrika oo uu badda ku sabbeeyo ilaa Cirifka Woqooyi.”

Hadalsame Media