Ninka hooyadii ku diley Baydhabo oo ahaan jirey qof aad uga duwan waxa uu noqday + Sababta ugu wacan nasiib darradan

0

(Hadalsame) 19 Maarso 2019 – Muktaar Ibraahim Diriyeey, wuxuu ka mid ahaa dhalinyaradii magaalada Nairobi ee Dalka Kenya kuwooda ugu firfircoonaa, wuxuu ahaa qof aad u lebista oo xarago badan, dadaal badan, wuxuu ahaa qof aad dadka u ixtiraama.

Muktaar oo dhashey dhammaadkii 1985-tii, kuna soo korey Xaafadda Mursal ee magaalada Ee Baydhabo, oo muda dheerna kunoolaa Nairobi, Kenya ayaa 2014-kii dib ugu soo laabtay dalka, isagoona ka shaqa bilaabay Baarlamaankii 9-aad ee dalka, wuxuu ahaa qof aad u fahamsan shaqada, kuna hanweynaa mustaqbal ifaya.

Balse halmar ayay rajadiisii isrogtay kadib markii uu ku xirmey sida igu maqaala ah dad aad u isticmaala daraagiska/daroogada, wuxuuna noqday qof ay la tagtay muqaadaraadka ilaa heer ay maskaxdiisa wax gaarsiisay, halkaasi ayayna himiladiisii ku soo xirantay.

Ninkaan oo dhawaan Hooyadii dhashey ku dilay xaafadda Mursal ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka argagaxay oo fajac iyo amakaak ay ku noqotay guud ahaan Shacabka Baydhabo.

35-jirkaan waxaa hadda lagu xukumay dil toogasha ah, oo waa dil suge.

F: G; Mudda shan sana ah gudahooda ayuu muuqiisa sidaan isku badelay.

Illaahow tan oo kale ha inagu imtixaamin.

Waxaa Diyaariyey: Nuurdiin Yuusuf Gacma

Hadalsame Media