Farmaajow kursi jacayl yuusan Congo kaa ridin, mucaaradow umaddaa kadeedan kurbo & dagaal haw keenina

0

(Hadalsame) 19 Maarso 2021 – Xalka qura ee lagu diidi karo muddo kororsigu ma aha foowdo iyo hub lala dhex wareego magaalada Muqdisho ama iyada oo lagu dhex dagaallamo, taasi waa guuldarro wadareed.

Haddii ay qolyaha mucaaradku ay dadka doorransiiyaan in xalka qur ihi ku jiro in Muqdisho dhufaysyo laga dhex qoto oo xaafad xaafad loo kala gooyo, waan ognahay halka ay taasi ku dhamaan doonto; waa foowdo, iyadaana ka daran xitaa kali talisnimo.

Mucaaradow shacabkaan ceel uma qoddaan, isbitaal iyo iskuulna uma dhistaane nolosha iyo nidaamka yar ha u qoonsanina.

Farmaajow adna sida aad wax ku waddo inay kadeedan tahay waa taa Congo kaa tuurtay e isku noqo oo kalsoonidii lagu siiyey meel xun haku furin.

Xalku wuxuu ku jiraa in la keeno hal-abuur siyaasadeed oo silmi ah oo lagula hardamo muddo kororsiga nasiib darrada ah ee halka lug ku taagan.

In lagu cadaadiyo hay’aadka DF iyo Maamullada dalku inaysan taageerin tillaabo sharci darro ah iyo in xitaa la arko Maamullada sheegaya inay Farmaajo diiddan yihiin balse shuruudaha aan dhamaadka lahayn iska soo daba saaraya, taasoo lafteedu dhibaatada qayb wayn ka ah.

Marna shacabka Muqdisho ma ogolaan karaan in dib loogu celiyo hoggaamiye kooxeednimo iyo qof shakhsi ah oo meelo xirxirta waxay taasi keeni doontaa xaafadihii kala xirnaa, dagaalladii beelaysnaa iyo nidaam xumo, maadaama uusan jirin qorshe durugsan oo siyaasadeed oo tillaabadan ka dambeeya.

Xalka saxda ihi waa in la diido muddo kororsiga Madaxwaynaha iyo foowdada mucaaradka intaba. Waana xal furan oo aan mustaxiil ahayn, si ka duwan sida ay dadka qaar ka dhigayaan.

Waayo haddii foowdo noqoto xalka qura ee lagu dhaqaaqo waxaa hubaal ah inay taasi noqonayso kud ka guur oo qanje u guur.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media