Ruushka oo soo galay hardanka daroonnada (Wershad wayn oo daroonnada oo qura soo saaraysa)

0

(Moscow) 17 Maarso 2021 – Sharikad Ruushan ah ayaa dhisaysa wershad kaliya soo saaraysa daroonnada dagaalka, sida kuwa ay Ruushku u direen dalka Suuriya.

Wershaddan oo ku fadhiisanaysa dhul bedkiisu yahay 45,000 oo mitir oo jibbaaran, ayaa laga dhisayaa magaalada Dubna oo u dhow Moscow, waxaana ku baxaysa ugu yaraan 4 bilyan oo Rubul ($52 milyan oo doollar) iyadoo ay shaqooyin ka helayaan 1,500 oo qofi.

Wershadda oo deg deg lagu dhisayo ayaa la doonayaa inay wax soo saarka bilowdo isla Nofeembar 2021.

Shirkad la yiraahdo ‘Kronshtadt Group,’ ayaa howsha wadda, waxaana wershadda lagu dhisayaa daroonnada Ruush sameega ah ee Inokhodets UAV, oo sidoo kale loo yaqaan Orion.

Waa daroon ku duula joogga dhexe oo awood u leh inuu hawada ku jiro maalintii oo idil isagoo sida canaab dhan 200 kg, iyadoo noociisa durba lagu arko Bariga Dhexe, gaar ahaan Suuriya.

Hadalsame Media

 

Hadalsame Media