Kulankii maanta dhexmaray MW Farmaajo & Beesha Caalamka oo ay hal rajo kasoo iftiintay

0

(Muqdisho) 17 Maarso 2021 – Warar hor leh oo ka ka imanaya Muqdishu ayaa birbirinaya hal rajo oo kasoo baxday kulankii maanta dhexmaray Madaxweynaha DF Somalia, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo xubno ka tirsan wakiillada Beesha Caalamka.

Shirkaasi oo uu codsaday MW Farmaajo, si uu ula kulmo Beesha Caalamka, ayaa loogu sheegay in si loo xalliyo cakirnaanta taagan uu bedelo mowqifkiisa ku aaddan muddo kororsiga isla markaana uu dib ugu laabto Shirkii Teendhada si xal looga gaaro doorashada dalka.

Yeelkeede, Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegayaa in aanu weli bixin jawaab kama dambayn, balse halka rajo ee shirkan kasoo baxday ayaa noqonaysa in uu jiro isfaham ku saabsan shir kale oo dhex mara isaga iyo Beesha Caalamka.

Kulankaa oo ay ka qaybgaleen Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia, Danjiraha Midowga Yurub, Nicolas Berlanga, Danjirayaasha UK iyo Maraykanka Kate Foster iyo Donald Yamamoto, sida ay u kala horreeyaan, kuwaasoo matalayay Beesha Caalamka, iyadoo ay weliba Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub si cad ugu sheegeen MW Farmaajo cawaaqib xumada ka dhalan karta muddo kororsiga sharci darrada ah ee uu ku mintidayo, sida ay sheegayaan ilo wargal ah oo shirka ku dhowi.

Waxaa kaloo loo sheegay inay jiri doonaan go’aamo laga qaadan doono dadka loo arko inay hantaaturro ku yihiin horusocodka dalka isla markaana dib loo eegi doono xiriirka ka dhexeeya Somalia iyo Beesha Caalamka oo ay ku jirto in deeqaha maaliyadeed laga jaro.

Waxaa la eegayaa wixii ka yimaada dhanka Madaxtooyada.

Hadalsame Media