Ku tumashada Dastuurka oo isa soo tareeysa & tillaabooyinkii ugu dambeeyey ee qaanuunka khilaafsan

0

(Muqdisho) 14 Maarso 2021 – Madaxweynaha mudo xileedkiisu kororsaday ee muranku ka taagan yahay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay ”xeer Madaxweyne” oo dhigaya in darajadii ciidan laga xayuubiyey Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Jen. Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon).

Xilli ay taagnayd doodda ku saabsan muddo kordhinta uu sameeyey Aqalka Hoose ee aanu xitaa u dhamayn Baarlamanka Dhexe ayaa war kasoo baxay Madaxwaynaha lagu muransan yahay sidoo kale lagu sheegay in xuquuqihii ciidan oo ee uu Saadaq lahaa oo idil la xooray, kaddib markii uu ku kacay amar diiddo isagoo hor istaagey kulan uu yeelanayey Baarlamanku.

MUXUU XEERKU KA QABAA TILLAABADA FARMAAJO? 

1. Taliyaha Ciidanka Boliiska waa in uu magacaabaa guddi anshax oo baara kiiska sarkaalka (waxaa ku jirto in sarkaalka la dhageysto) kana soo talo bixiya tallaabada laga qaadi karo.

2. Guddiga waa in uu ku jira ugu yaraan hal sarkaal sare iyo saraakiil kale.

3. Tallaabada ay soo jeediyaan ayaa loo gudbinayaa Madaxweynaha si uu ugu soo saaro Xeer Madaxweyne. Haddii tallaabadaasi ay tahay ka-saarista Ciidanka, waa in uu soo jeediyaa Wasiirka Amniga Gudaha.

Dhanka kale, Xildhibaanka aadka u dhaliila nidaamka haatan jira ee Mahad Salaad ayaa isna soo bandhiga xeerka ciqaabta ciidamada qalabka sida oo qaba sidatan:

Xeerka Ciqaabta Ciidamada Qalabka Sida qodobada 21-aad, 22-aad, 23-aad iyo 24-aad Sharci Lr.2 ee soo baxay 1963-kii waxaa sarkaal derajo ka qaadis ciidan, shaqo ka joojin ama laalid derajo lagu sameyn karaa marka maxkamadda ciidamada qalabka-sida ay ku caddeeyso danbi, xukunna ku dhaco, sida uu soo qoray.

MW lagu muransan yahay ayaa sidan oo kale Sebt. 8, 2018-kii, warqad uu qoray darajadii ciidan, xubinnimadiisa iyo xuquuqihiisii uga xayuubiyay Jeneraal Cabdalla Cabdalla oo horay u soo noqday Taliye Xigeenka NISA.

Waxaa sidoo kale sharci darro xilkii looga qaaday RW hore iyadoo kaddibna si sharci darro ah loo magacaabay RW Xigeenkiisii Mahdi Guuleed, markaasoo ahayd goorta ay si rasmi ah u caddaatay in aan Dastuurka la xeerinaynin, iyadoo ay horay u jireen tillaabooyin dhowr ahaa oo tuhun dhalinayey.

Hadalsame Media