XOG: Farmaajo oo 2 ujeeddo oo ay midi wayn tahay ka leh muddo kororsiga (Muxuu kaloo maaggan yahay?)

0

(Muqdisho) 14 Maarso 2021 – Aqalka Hoose ee Baarlamanka oo ka mid ah hay’aadka uu muddo-xileedkii la doortay ka dhacay, ayaa 12-kii bishan soo saaray xeer gaar ah oo lagu laalay Heshiiskii 17-kii Sebt. isla markaana lagu sheegay in muddo 2 sanadood ah loo kordhiyey hay’aadka DF, taasoo isla xalayba la saxiixay.

Arrintan ayaa dirtay mowjado argagax leh iyadoo ay muddo kororsigan oo aan xitaa wada marin Baarlamanka DF maadaama uu ka maqan yahay Aqalka Sare, waxaana inta badan diiddan waxgaradka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta mucaaradka iyo dalalka Somalia taageera.

Yeelkeede, xogo hoose oo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in tillaabadan ujeedka ugu wayni uu yahay in Madaxwaynuhu ka dhigto qaab uu ku gorgortamo (bargaining chip), si uu u istaago boos ka yara ”xooggan” sidii hore oo lagula doodayey inuu xilkii ka dhacay oo waqtigiisu dhamaaday, ugu yaraan marka la eego sida uu isagu qabo.

”Waloow aan u badinayo sidan, misna meesha lagama saari karo in lagu fikiro in la socodsiiyo haddii ay u mari karto.” ayuu yiri qof ku dhow dhow Madaxtooyada oo isagoo magaciisa qarinaya u warramay Hadalsame Media.

Dhanka kale, waxaa jirta xog sheegaysa inay XF samayn doonto isku shaandhayn dhanka Golaha Wasiirrada ah taasoo iminkaba la diyaariyey shaxdeeda.

Shaxda cusub ayaa laga cuni doonaa Wasiirro haatan xilal haya, halka boosaska qaar la isku bedeli karo, iyadoo la dareemayo in Xukuumadda cusubi ay si ahaan ugu muuqato mid fadhiid ah.

Wararka qaar ayaa xitaa sheegaya inay dhici karto in la bedelo RW Rooble, balse taasi weli ma aha arrin caga badan ku taagan.

Hadalsame Media