DAAWO: Madaxtooyada oo ergo taageero loogu raadinayo tillaabada ay qaadday dibedda u dirtay (Cidda lala kulmay & caqabadda?)

0

(Hadalsame) 13 Maarso 2021 – Madaxtooyada Somalia ayaa kahor inta aanay muddada kororsan waxay ku dhaqaaqday tillaabo ay taageero uga raadinayso dalalka ku dhaqma nidaamka kali taliska ah ee halka gacan lagu maamulo ee Khaliijka.

Waxaa arrintaa loo xil saaray Wasiir Dibadeedka DF Somalia, Maxamed Cabdirisaaq iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyadda, Xassan Macalin Khaliif, kuwaasoo horay u qaaday dhambaal ay ka sideen MW Farmaajo, iyagoo tegey dalal Carbeed shalayna soo gaarey dalka Saldanadda Cumaan.

Waxay dhambaalkii taageero raadinta ahaa ku sallimeen, RW Xigeenka, Suldaan Haysam, waxaana dhambaalka ku qoran xog-siin ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee ay Somalia haatan mareeyso, sida uu Farmaajo doonayo inuu u wajaho iyo taageero uu ka doonayo dalalkan.

Sida ay faafisay Wakaalad Wareedka Cumaan, wefdigan ayaa ah ergo gaar uga socdey MW Somalia, iyadoo aanu jirin qorshe kale oo qaran oo ay u socdeen, marka laga reebo iibinta qorshaha MW Farmaajo oo ah mid uu isagu si gaar ah u wato oo aan marin lakabyada dowladeed ee jira.

Wefdigan ka kooban labada wasiir ayaa la kulmay Wasaarad Dibadeedka Cumaan oo ay u faahfaahiyeen waxa ay u baahan yihiin in laga taageero, waxayna kaddib u ambabixi doonaan dalka Sucuudiga Carbeed oo ay u casuuman yihiin.

Ujeedku waa in dalalkan Khaliijka laga helo taageero siyaasadeed iyo mid maaliyadeed, balse cillada jirtaa waxay tahay in haddii ay reer Galbeedku kasoo horjeestaan qorshaha ay haatan ku dhaqaaqday Madaxtooyadu aysan jirin wax micne leh oo ay u qaban doonaan dalalka Khaliijka ah oo caadiyanba marka laga reebo xaqal jeeb ay siiyaan madaxda aan wax badan ka tarin qaran dhisidda Somalia oo ay mararka qaar caqabadba ku yihiin. 

Hadalsame Media