”Oo ma ma idinkaa Al Qaacidda sameeyey?!” – Dadwaynaha oo ka xumaaday farriin ay soo qortay CIA-du (Arag fal-celinta)

0

(Langley) 08 Maarso 2021 – Hay’adda Sirdoonka Caalamiga ah ugu qaybsan Maraykanka ee CIA ayaa haatan dalka Afghanstan kula dagaallanta isla maliishiyaad ay iyagu mar qalabayn jirtey 1980-kii, balse ay dabayaqaadadii 90-meeyadii u bixisay magaca Al Qaacidda.

Yeelkeede, waxaa hay’adda haatan lagu dhaliilay oo aad loogula maadsaday Twitter ay ku faanayso inay qalabayn jirtey malliishiyaadkaas oo xilligaa la dagaallamayey Midowgii Soofiyeeti, iyadoo markaa u taqaanney ”Mujaahidiin.”

CIA ayaa Twitter soo dhigtay sawirka qoriga garabka laga tuuro ee FIM-92 Stinger ee gantaalka rida, iyadoo ku dul qortay in hubkan ay siisay kooxihii ka dagaallamayey Afghanstan si ay ugu maara helaan dayuuradda aadka looga boxo ee Ruush sameega ah ee Mi-24D oo lagu xusuusto film-kii Rambo 3 oo isla qisadan si fiican uga hadlaya.

Operation Cyclone ama Howlgalkii Duufaantu wuxuu ahaa mid ka mid ah kuwii abid ugu dheeraa uguna qaalisanaa ee ay CIA fuliso, iyadoo lacag iyo hub ku qufi jirtey malliishiyaadkaasi 1980-meeyadii.

Barnaamijkaa ayaa xitaa isu maray Madaxwayneyaal Dimoqraadi iyo Jamhuuri kala ah sida; Jimmy Carter, Ronald Reagan iyo George H.W. Bush, iyadoo uu Maraykanku markaas sheegayey in ”Mujaahidiintu ay xorriyad u dirirayaan”, waloow uu haatan ula dagaallamo argagixiso ahaan.

Dadwaynaha ayaa markiiba bilaabay inay CIA-da ku maadsadaan, iyadoo ay qaar xusuusinayaan inay iyadu abuurtay Al Qaacida.

Hadalsame Media