Dhismaha Jidka Muqdisho & Jowhar oo si habsami leh u bilaabmay + Sawirro

0

(Muqdisho) 07 Maarso 2021 – Waxaa horay gebagebo ugu dhowaa jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye, balse waxaa kale oo mashruuca jidkaa dib loogu dhisayo qayb ka ah sidoo kale jidka isku xira Muqdisho iyo Jowhar.

Haatan ayaa isna la bilaabay dhismaha jidka isku xira Muqdisho iyo Jowhar kaasoo ay dhismihiisa ka qayb qaadanayaan gaadiidka birta culus sida qallaabiyaal, wiishash, booyado, simayaal, cagafyo iyo carro qaad.

Waxaa jidkan oo ay maalgelisey Dowladda Qadar dhisaya injinneerro u dhashay dalka Turkiga oo ay wehlinayaan kuwa dalka Somalia, waxaana amaanka sugaya Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

Dib u dhiska jidadkan ayaa noqon doona kaabayaashii ugu muhiimsanaa ee dib loo dayactiro kaddib burburkii uu dalku galay horraantii 90-meeyadii.

Halkan hoose ka daawo sawirrada…

Hadalsame Media