Maamullada Puntland & Jubaland oo sheegay in aanu weli fashilmin Shirka Teendhadu & eed ay u celiyeen XF

0

(Muqdisho) 07 Maarso 2021 – XF Somalia ayaa Maamullada Puntland iyo Jubaland ku eedeysay inay yihiin ”jid iyo jiho diid” aan ogolayn in dalka doorasho ka dhacdo, sida uu ku dooday Wasiirka Warfaafinta DF Somalia.

Arrintaas ayaa laga akhristay inuu iminka burburay heshiis doorashada dalka laga gaaro, walow ay warar kale sheegayeen inaan shirka weli lagu kala tegin, balse qodobbada qaar la isku fahmi la’yahay.

Yeelkeede, Maamullada Puntland iyo Jubbaland oo shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay ayaa in aanu fashilmin Shirka Teendhada Afisyooni, balse uu ”Madaxweyne Farmaajo diidday in uu awoodda wareejiyo”, sida ay yiraahdeen.

Waxay sheegeen in maanta ay ahayd middii ugu rajo roonayd, iyadoo lagu kala tegey soo jeedin ka timid MW Farmaajo oo ahayd in lasoo kala nasto sida uu yiri, iyagoo eed u jeediyey Wasiir Dubbe oo Warfaafinta ugu qaybsan DF.

Maamulladan ayaa sidoo kale warkii in yar kahor kasoo baxay XF ku tilmaamay mid qiiq isku qaris ah oo lagu marin habaabinayo ra’yul caamka.

Hadalsame Media