Ninkani manna caayey mise waa noo ceeb qarin diidey?! (Maxaa nala gudboon se?)

0

(Muqdisho) 05 Maarso 2021 – Warbixinta uu ninkaas cadi diyaariyay markaan daawaday wax iga qarsoonaa oo aan ka ogaaday ma jiraan. Kun waxyaabood oo kale oo Xamar ka jira ayuu ka ilduufay ilaahay mahaddii.

Hadda ba maxaa na la gudboon?

In aan iska saxno inta dhaqan ee bulsha ahaan na ga qaldan oo ay nadaafaddu ugu horrayso iyo anshaxa dadka la gula dhaqmo. Muuqaallada waxaa ku jira dad garoomada caalamiga ah sigaar iskaaga dhex cabaya meel aanan munaasib ahayn.

Nin diyaarad saaran oo isaga oo ay cunto afkiisa ku jirto iska daldalmaya. Nadaafadxumada kawaanka malaayga ee Xamarwayne oo runtii u baahnayd in mar hore lagu baraarugo.

Kolley ninkani dantii uu ka lahaaba waa ka gaaray. Waxaa muuqatay in muuqaallada qaar si uu u duubo uu dadka fuqarada ah uga faa’iidaystay duruufta haysata oo waxaa ku filan keliya isaga oo dhaha waxaan ahay kormeere hay’ad mucaawino qaybin rabta.

Sideedana Afrika waa ka gadmaa ninka maqaarka cad. Waxaan soo xasuustay sheekadii Ibraahin-Hawd Yuusuf Ahmed ee ahayd ‘ Mashruucii aniga iyo Sebistian Goerg’.

Waqtigii beenta iyo faanka iyo sawirrada igusawirta ah laysku indhasarcaadin jiray waa isku dhammaaday. Qaabka keliya ee looga jawaabi kara muuqaallada noocaan ah waa isbeddel bulsho iyo wacyiga oo ka kora halka uu maanta joogo.

Ilama ahan in nadaafad darradu ay cid gooni ah dhaqan u tahay.

Waxaa Qoray: Cabdirisaaq Xasan Jidhi

Hadalsame Media