Dib u sawiridda khariidadda Bariga Dhexe & dalal hor leh oo kasoo dhex bixi kara (Qaybtii 1-aad)

0

(Hadalsame) 05 Maarso 2021 – Hannaanka siyaasadeed ee Bariga Dhexe ayaa ah mid burbur qarka u saaran. Kuwa u harjada mustaqbal sharaf iyo talawadaag leh oo ka hirgala Gobolka Bariga Dhexe oo dhan ma jirto wax rejo ah oo ay ka qabaan dib u habayn lagu sameeyo hannaanka siyaasadeed ee hadda jira.

Sidaas waxaa qaba Iyad al Baqdaadi iyo Axmed Gatnash oo ah qorayaasha buug cusub oo magaciisu yahay “The Middle East Crisis Factory”. Yeelkeede, tani ma ahan farriin rejo xumo laakiin waa mid ka gilgilasho isdhiibid iyo rejadhigid oo ka imaanaysa jiilkii gadoodkii 2011-kii.

“Ma jirto wax rejo oo laga qabo badbaadada burburka hannaanka imminka. Ma hore ayaannu gacmaha ka taagnay ka rejadhowrka hannaankaas. Waa in aan rejadeennu ahaato mid ka shishaysa hannaankaas. Kolley kani waa uu dumayaa – ha burburee u bannee bal in aan nolosha xorriyadda urinno.

“Qorayaashaan geyfanayaasha ahi waxay dagaalka talawadaagga iyo xuquuqda aadanaha ee Bariga Dhexe ka socda u arkaan mid dhaafay xudduudihii waddaniyadda, diidmada imbaraaddooriyadnimada iyo Islaamaynta.

Qaybo buugga ka mid ah oo ku saabsan taariikhda, xuquuqda aadanaha talooyin dawladaha galbeedka ayaa farta ku fiiqaya sooyaalka faragalinta Galbeedka iyo la jaal noqoshada kalitalisyada, iyo fashilka dawladihii gumaysigii kaddib ay kobtaan dhaanka ugu fureen.

Baqdaadi waa Falistiini ah ganacsade iyo u dhaqdhaqaaqe xuquuda aadmiga kaas oo ku barbaaray Imaaraadka Carabta haddana ku nool Norway, halka Gatnash yahay xaqooti siyaasadeed oo Liibiyaan ah ku na nool London. Baqdaadi waa saaxiib hore oo uu lahaa saxafigii Sacuudiga ahaa ee Jamaal Khashuuqji kaas oo lagu qashay gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbuul sannadkii 2018.

Baqdaadi qudhiisu hadda waxaa ilaaliya boliiska Norway ka dib hanjabaado uga yimid gacanta dheer ee Amiir Muxammad Bin Salmaan. Qorayaashu waxa ay xaalka hadda u arkaan kalaguur looga guurayo nidaamkii dhaxalkii gumaysiga loogu na guurayo mid cusub rejo galinaya malaayiin loo diiday kalaguur u eg midkii ay Yurub casrinimada ugu soo guurtey qarni ka hor.

Yurub waxa ay soo martay labo dagaal oo xanuun badnaa iyo xasuuqyo ay ku dhinteen in badan 60 milyan oo qofood ka hor inta aysan helin deggaan siyaaseed iyo barwaaqo.

Qorayaashu waxa ay saadiyeen in kalaguurka Gobolka Bariga Dhexe uu qaadan doono tobaneeyo sannadood, ma na noqon doono mid dhib yar, ayada oo 40 sannadoodkii la soo dhaafay gobolku soo arkay dagaallo, dullaamo dibadeed iyo xasuuqyo dikay malaayiin, malaayiin kalana qixiyay ayaga oo qaxooti ah.

La soco qayb kale…

Waxaa Qoray: Joe Gill

Waxaa Tarjumey: Cali M Diini

Hadalsame Media