Israel oo ka cabsi qabta duullaan ballaaran oo ay mar qura kusoo qaadaan dhowr dal oo Muslim ah (Meelaha laga duqayn karo & magacyada dalalka)

0

(Tel Aviv) 04 Maarso 2021 – Mac’hadka Daraasaadka Daraasaadka Amaanka Qaranka (INSS) ayaa soo saaray warbixin uu cinwaan uga dhigay ”Waxna Didii Hore ma aha” taasoo ku saabsan in Israel ay ka cabsi qabto in weerar culus oo gantaalo toog saxan loo adeegsanayo lagu ekeeyo magaalooyinkeeda.

Generaal Udi Dekel, oo warbixinta diyaaritet, ayaa sheegay in sawiridda xaalad noocan ihi ay tahay mid u eg ”ka bad badis balse maangal ah”, isagoo tilmaamay inaysan diyaar u ahayn la xaalidda tillaabo noocan ah.

Sida lagu qoray Israel Hayom, ayaa sheegay in weerarrada noocan ihi ay ka iman karaan dalalka Suuriya, Lubnaan, Ciraaq iyo Iiraan iyadoo loo adeegsanayo daroonno iyo gantaalo ay ka mid yihiin kuwa baalistiggu.

Waxaa sidoo kale jira sennaariyo 2-aad oo uu mac’hadku sheegay in weerar daroonno iyo madaafiic loo adeegsanayo laga soo qaadi karo Marinka Gaza, iyadoo weerarradan looga dan leeyahay in lagu cuuryaamiyo mugga wax iska caabbin ee Ciidanka Israel.

Meelaha la bartilmaameedsan karo ayay warbixintu ku sheegaysaa ”bartilmaameedyo leh qiime istaraatijo ah” sida hannaanada daafaca cirka, wershadaha sifaynta ee Xayfa, ceelasha biyaha, xarumaha korontada, wershadaha cusbada ka saara biyaha badda, bakhaarrada sunta lagu kaydiyo, kaabayaasha gaaska, xafiiska Madaxwaynaha, Aqalka Kesset-ka ama Baarlamanka, Dhismaha Abaanduulka Ciidanka, xarumaha Birmadka, saldhigyada cirka, garoomada, dekedaha, saldhigyada ciidamada, Taliska Ciidanka Lugta, Wasaaradda Amaanka iyo meelaha wax lagu qabto”, kuwaasoo ah weerar aanay Israel abid horay ula kulmin.

Hadalsame Media