Shirka Teendhada Afisyooni oo maalintii 2-aad galay & dhaqan lala yaabban yahay

0

(Muqdisho) 04 Maarso 2021 – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka maalintii 2-aad oo xiriir ah kasii soconaya shir ay u dhan yihiin madaxda XF, shanta maamul ee haatan ka jira koonfurta Somalia, iyo Gobolka Banaadir.

Shirkan oo ka socda Teendhada Afisyooni oo ay soo agaasintey beesha caalamka ayaa ah mid ay albaabadu u xiran yihiin waxaana lagu sii ambaqaadayaa qodobbadii shalay looga hadlay shirkii hordhaca ahaa oo qaar is faham laga gaarey.

Shirkan oo la doonayo in lagu xalliyo ismari waaga doorashada dalka, ayaa lagu wadaa in maanta xog-siin laga dhegeysto Guddigii Farsamada ee ku shiray Baydhabo, kaasoo ahaa mid ay u dhamaayeen dhamaanba Maamul-goboleedyadu.

Dadka qaar ayaa qaba inuu waqti dhumis badani weli ku jiro in loo baahdo intaas oo shir si ragga uu shirkani u dhexeeyo oo u dhaqmaya sidii kuwo aanay mas’uuliyadi saarrayn isla markaana maalmo ku qaatay iyaga oo kala fadhiya, ay misna shiraan iyagoo dadka u sheegaya inuusan micne lahayn shirka ay ku jiraan oo uu yahay hordhac, is arag iwm, iyadoo ay dalalka shisheeye ee ku kala dhex jira qaarkood la yaabeen hab-dhaqanka siyaasiyiinta Soomaalida.

Hadalsame Media