Shir u dhexeeya XF & Maamul-goboleedyada oo ka soconaya Teendhada Afisyooni (Sababta ay albaabbadu u xiran yihiin)

0

(Muqdisho) 03 Maarso 2021 – Waxaa Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay kulan hordhac ah oo ay markan u wada dhan yihiin Madaxda XF iyo Maamulladu, kaasoo la iskula gorfaynayo arrimaha doorashooyinka madaxtinnimo ee 2021-ka.

Xogo badan weli lagama hayo kulankan oo ay albaabadu u xiran yihiin, waxaase shirkan gacan wayn qabsoomiddiisa ka gaysatey beesha caalamka iyadoo ay kusoo biireen madaxda Maamullada Puntland iyo Jubaland ee Siciid Deni iyo Axmed Madoobe iyo, sida ay u kala horreeyaan.

XF Somalia ayaa war kooban oo ay soo marisay Wasiirka warfaafinta, Cismaan Abuukar Dubbe, ku sheegtay inuu shirka furay garwadeenna ka yahay MW Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Beesha caalamka ayaa la sheegayaa inay aad u canaanteen madaxda qaarkeed oo u muuqda kuwo xaaladda ragaadinaya ama diiradda saaraya dano gaar ah, taasaana ugu badan sababta ay albaabbadu u xiran yihiin.

Hadalsame Media