Nin Shiinays ah oo la waysnaa oo la ogaadey inuu isku tuuray foorno bireed + Sababta oo aan loo qaateen ahayn (Daawo)

0

(Baotou) 03 Maarso 2021 – Waxaa soo baxay muuqaal naxdin leh oo muujinaya nin Chinese ah oo ka shaqeeya wershada shubta birta aastada ah oo isku tuuraya foorno-bireed ay ka butaacayso bir dareere ah.

Ninkan ayaa sidaa u yeelay inuu khasaaray lacag dhan $9,000 oo doollar oo ugu jirtey suuqa saamiyada.

Wang Long, 34-jir, wuxuu ka shaqeeynayey wershad ay leeyihiin Baogang Group oo ku taalla Baotou, Gobolka Inner Monglia, waxaana la arkayaa isagoo iska bixinaya koofida badbaadada iyo gacma gashiga, isagoo woxoogaa laba-labeeyey kahor intaanu isku xoorin berkad yar oo bir dhalaalsan ah, sida uu qorayo South China Morning Post.

“Markiiba waa la waayey,” ayuu yiri nin shaqaalaha ka mid ah oo arkay muuqaallada kaamirada amaanka oo u warramay Xiaoxiang Morning Post oo qeexatey ninka oo markiiba qarxey kaddibna la waayey.

Shirkadda uu u shaqeeynayey ayaa sheegtay in Wang la waayey 24-kii Maarso xilli uu shaqaynayey shifti habeen ah, taasoo keentay in la raadiyo balse la waayo, iyadoo markii dambe laga baaray kaamirada CCTV.

Hadalsame Media