Somalia oo ay ka jiraan xilal ay lacago badani ku baxaan balse aan waxba lagu qaban

0

(Hadalsame) 02 Maarso 2021 – CALAFKA SHIMBIRAHA – In calafkaagu kii Shimbiraha noqdo waa lagu duceystaa, si aad si fudud u hesho wax aad dhuunta mariso.

Soomaaliya marka la joogo, waxaa shimbiraha ku calaf ah ninka loo magacaabo:

• Maareeyaha Wakaaladda Filimada oo xil aan jirin isaga qaata mushaar 6 jeer ka badan ka uu qaato askariga Mahaddaay ama Baraawe dhufeyska uga jira.

• Midka madax looga dhigo dhismaha burbursan ee Wakaaladda Madbacada Waranka ee qaxootigu degganyahay, mushaarkiisuna yahay heer maareeye ama agaasime.

• Midka ku magacaaban Taliyaha Ciidka Cirka oo ah ciidan aan hadda jirin.

• Ninka ku magacaaban Taliyaha Ciidanka Badda oo aan wali dhisneyn.

• Ninka iyo naagta ku magacaaban Wasiirka iyo ku xigeenka wasaaradda macdanta iyo Biyaha. (Ceelashii biyaha ee Muqdisho iyo Afgooye u dhaxeeyey iyo kuwii Cirfiid ee Suuqa Xoolaha ku dhawaa, waxay u dansan yihiin sidii ay 1990 kii u dameen).

Magacaabista Hay’ado iyo waKaalado aan jirin oo weli ba mushaar fiican lagu bixiyo, sow kama habbooneyn in qarashkaas meelo kale oo hadda shaqeeya loo weeciyo. Maxaa qasab ka dhigay in hay’ad kasta oo xilligii kacaanka shaqeyn jirtay, hadda se aan jirin maal lagu bixiyo.?

Irsaqiinna kii Shimbiraha Alle ha ka dhigee aamiin dhaha.

Waxaa Qoray: Qaasim Cabdulle Xuseen

Hadalsame Media