Somalia oo 4 khalad oo istaraatiji ah horay u gashay midka 5-aad ee ay haatan samayn karto maka soo waaqsan doontaa?

0

(Hadalsame) 01 Maarso 2021 – Dalka Somalia oo xornimo beenaadkii inta badan 1960-kii Afrika laga safay dhankeeda ka qaadatay ayaa ka mid ah dalalka aan marna si wanaagsan u qoor qooraysan dhismaha dowlad iyo dad u shaqeeynaya sidii dal midaysan laga doonayey.

Yeelkeede, taas moowduuceennu haatan kuma saabsana e waxaan eegaynaa 4 khalad oo istaraatiji ah oo dib u dhac wayn u gaystey dhismaha iyo koritaanka dowladnimada curdanka ah ee aan aqoonta badanna loo lahayn ee Somalia.

1 DIIDAMII WISAAYADII INGIRIISKA

Kaddib dhamaadkii Dagaalkii 2-aad ee Yurub/Adduunka, waxaa la keenay hindise ahaa in la xoreeyo dalalkii la gumaysanayey, waxaana lasoo rogey qorshe dalalkaa lagu hoos geeynayo maxmiyad ay QM dusha ka ilaalinayso.

Somalia waxaa isku qabsaday Talyaani iyo Ingiriis oo uu midkoodba doonayey inuu dalka diyaariyo 10 sanadood oo wisaayo ah, balse waloow uu bandhigga Ingiriiska oo ahaa inuu isu keeno dhamaanba Soomaalida oo ay xitaa Jabuuti ku jirto uu ka fiicnaa midka Talyaaniga, misna Somalia waxay dooratay Talyaaniga.

Waa markii uu Kamaaludiin Saalaxii reer Masar ee markii dambe Muqdisho lagu sumeeyey uu yiri ”Somalia caawa ayay afka u dhacday!”.

2 – GELITAANKII DAGAALKII 77 

Waa khaladka 2-aad ee istaraatijiga ah ee Somalia gashay, balse waa midkii 1-aad ee ay gashay iyada oo xor ah. Micnuhu ma aha inaan leennahay khalad bay ahayd inay Somalia ku duusho Itoobiya si ay dhulkeeda u xoreeyso, balse siyaasadda caalamka iyo go’aamada la gaaro sidoodaba sax iyo khalad kaliya lama eego. Xusuuso Heshiiskii Sulxul Xudaybiyah.

Somalia waloow looga digey dagaalkaas iyada oo loo sheegayo inaysan lahayn saaxiibbo istaraatiji ah oo aragtideeda meel la gaarsiin kara, inta xabad la garaacay ayaa la galay iyada oo la isku hallaynayo Soofiyeet oo markasta Itoobiya ka dooran lahaa Somalia waloow uu ciidankeenna isagu dhisay, isagoo waxa uu Somalia siiyo lidkeedana Itoobiya siinayey.

Intii uu dagaalkaasi socdey xitaa Somalia waxaa dhaaftay fursad haddii ay taladeedu san tahay ay maanta ku haysan lahayd ugu yaraan 2/3 ka mid ah dhulka Soomaalida, kaddib markii la diidey talo ay soo jeediyeen madax ka mid ah baloogyadii Hanti-wadaagga oo ku saabsanaa in ay Somalia halkeeda dagaalka ku joojiso si gorgortan looga galo dhulka la haysto, yeelkeede, ”Harar & Hawaash berri waan hayaa” ayaan ku heesney waana soconnay.

3 – CAYRINTII RUUSHANKA

Waloow ay run ahayd inuu Ruushku laba boglaynayey misna taa waa la fili karaa marka aad og tahay inay Itoobiya mad’hab ahaan isu dhow yihiin dhanka Masiixiyadda oo waa isku Orthodox, Somalia oo aanay siyaasadeedu madaxa ka socon balse ay qalbiga ka socota ayaa markii dambe is xanaajisey oo Soofiyeetkiina cayrisey iyadoo aan biddaal kale haynin, taasoo ahayd tillaabo kaba sii daran middii hore dalal badanina ay aad uga digeen Nidaamkii Siyaad Barre inuusan dookhaa marna qaadanin.

Madaxwaynihii Maraykanka ee xilligaas, Jimmy Carter, oo ka mid ah dalalkii ay Somalia soo dhowaynta ka fileysey markii ay Soofiyeetka cayrisey ayaa mar dambe oo uu waraysi bixiyey wuxuu muujiyey war la’aanta haysatey Somalia oo ay siyaasadeeda dibadeed had iyo goor iska tahay wax uu deegta iskaga sito ninkii markaa xilka haya, balse aan ku dhisnayn istaraatijiyad degsan.

Wuxuu yiri: ”Annagu ka Maraykan ahaan marna diyaar uma ahayn inaan ka shaqayno ama aragno Somalia oo ka guulaysata Itoobiya.” Waxay taasi mar kale sii muujinaysaa inuu Ruushku ugu yaraan wax badan Somalia u dhaamey Maraykanka, tillaabaduna ay ahayd ”kud ka guur oo qanje u guur.”

4 – SIYAASAD GEELA & ASAASKII JABHADAHA QABALIGA AHAA

Wixii markaas ka dambeeyey Somalia oo dunida isu bartay dal yar oo xiin faniin ah, wax saaxiib ah oo run ahna aan lahayn marka laga soo tago dalal Carbeed oo hoosta uga qoslaya ayaa waxaa lagu bilaabay kala furfuris iyo dumin.

Qayb ahaan waxaa arrintaa aad u sahley qaabka sirgaxan ee ay u tolan tahay siyaasadda Somalia oo ah mid wax kasta laga eegayo reer hebel. Reer hebel xil haya, reer hebel xil doonaya, reer hebel loo dhaarsan yahay, heer hebel xilka mudan, reer hebel qadsan, reer hebel cadkoodii, waa waxa aan u aqaan ”siyaasad geel”, waxaa jaafaa jiliqa ihi waxay sahleen in qoryo duurka lala galo iyo in jabhadahaasi ay xarumo ka dhigaan Itoobiya oo ahayd dal aan Somalia kala jeclayn jabhad iyo mid dowladda la jiraba, taasoo aad u caawisay duminta dowladdii dalka ka jirtey oo aan iyaduna talo fiican haynin.

Waxayna taasi ahayd tillaabadii 4-aad ee khaladka ahayd ee ay Somalia qaaddo ee musmaarkii ugu dambeeyey ku dubaysey naxashka qarannimada Somalia oo aan maalintaa kaddib si saaxi ah u istaagin.

Hadda, 30 sanadood oo burbur ah kaddib weli waxay Somalia oo marka aad khariidadeeda aragto aad ka naxayso sida ay u giir giiran tahay una kala googo’an taay ay u muuqataa mid ku socota siyaasad aan ku dhisnayn aragti fog oo qaran, balse ninkii yimaadaba uu qar kala dhacayo. Hebel cayri, hebel xiriirka u jar, hadda oo aynaan xitaa bixin karin korontada xafiisyada dowladda, amaba ugu yaraan aynaan doonayn inaan bixinno waxaan maagaynaa beesha caalamka ee biilka bixisa, tiiyoo ay jirto inay qaarkeen iyada ku casuumayaan inay nasoo fara geliyaan sida mararka badan ka muuqata farriimaha mucaaradka.

Marka ay halkaa joogto ma aha in beesha caalamka la maago balse waa in ay Soomaalidu la timaadaa bisayl ay daneheeda ku maarayn karto, haddii kale waxaan qarka u saaran nahay khaladkii 5-aad ee istaraatiji ah oo aan la ogayn waxa ay Somalia kaddib noqon doonto.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media