Turkiga oo diyaariyey matoor maxalli ah oo lagu xirayo taangiga uu sameeyo ee (MBT) Altay + Sawirro

0

(Ankara) 30 Maarso 2021 – Turkiga ayaa matoor maxalli ah u helay taangiga ay iyagu sameeyeen ee (MBT) Altay kaasoo tijaabadiisa lagu guulaystey laguna wado inuu shaqo galo bisha soo aaddan ee Abriil, sida ay sheegtay Iskaashatada Wershadlayda Agabka Ciidanka ee SSB.

Guddoobka SSB, Ismail Demir, oo la hadlay HaberTürk ayaa sheegay in matoorka ay dhistay shirkadda BMC oo ku samaysay mashruuca BATU Power Group, isagoo ah matoor leh 12-dhululubo oo ah nooca V-type, oo ay biyuhu qaboojiyaan naftana ku shaqeeya, isagoo soo saari kara awood dhan 1,500 oo faras.

Waxaa horay u jirtey war sheegaya in ay heshiis la galeen laba sharikadood oo South Korean ah oo marka hore samaynaysa matoorrada taangiyadan, balse Bloomberg ayaa sheegtay in BMC ay haatan howsha la wareegtey.

Turkey ayaa mashruucan tawaangidan bilowday 2007-dii, balse waxay dhibaato ka haysatey sidii ay taangiyada matoor u he li lahaayeen, iyadoo sharikadda Jarmanka ah ee MTU Friedrichshafen GmbH oo farsamada la wadaagta BMC ay ku lug lahayd, balse howshaas waa la joojiyey kaddib markii ay Jarmanku xadideen hub ka iibinta Turkiga oo ay iskula dheceen arrimaha Suuriya, iyadoo uu Jarmanku diidey weerarrada lagu qaadayo PKK iyo YPG.

Hadalsame Media