Ilhaan Cumar & Sidiq Khan oo tusaale loogu soo qaatay arrin ay Soomaalidu KHALAD ka fahamtey! (Waa maxay?)

0

(Hadalsame) 30 Maarso 2021 – Waxyaabaha Soomaalidu aadka u qalad fahantay waxaa kamida: ‘Majority leads minority. Inta badani inay maamusho wax. Marka sidaas la leeyahay macnuhu maaha koox isku abtirisa ayaa meel qabsanaysa ee hal-beeggu; waa aragti iyo in meesha dadku u badan yahay mabda’a ahaan laysku raaco.

Ma u malaynaysaa in ay Ilhaan Cumar Mareykan madax sare ka ahaan lahayd, haddii sida dadka qaar u qaateen ay tahay kala badnaantu? Mase u malayn lahayd in London uu Pakistaani Saddiiq Khaan maamuli lahaa? Ama Manmohan Singh iyo Obama ay Hindiya iyo Maraykan xukumi lahaayeen?
Aragtida isirka iyo abtiriska ku salaysan waa halbeeg gurracan, sababtoo ah dadka isku isirkaa ah, isku doonis iyo mabaadii maaha, isku garaad maaha, isku sina wax uma wada arkaan umana wada rabaan.
Hal-beegga noocaan ah waa lagu qasaaraa, dhammaan waddamada abtiriska laysku hoggaamiyo, waxaana ku luma danta shacabka, waxaana ka abuurma koox talada afduuubata oo bulshada u qaybisa qaar ay xaqiraan iyo qaar ay ku adeegtaan.
Soomaalida reer kore ilaa tuulo iyo xaafad hoosaad, waxaa dantoodu ku luntay waxaan macna u samayn nolashooda.
Tuulo Soomaaliya kamida ayaan dhawayd, Hey’ad baa damacday inay rug-caafimaad u furto bulshada meesha degganayd, qof xirfadle caafimaad ahna waa laga waayey, dadkiina waxay yidhaahdeen; annagaa u badan waa in annaga mid kamida lagu qoraa! Sidii ayey Hey’addii qorshihii ku istaajisay.

Majority iyo Minority sida bulshada loogu safiray, jar bay ka tuureysaa. Cidna xaq u male isir iyo wax dadka kala qaybinaya inay wax ku maamulaan, mana ahan wax meel ku istaaga ama bulshada horey u wadi kara.

W/Q: Ustaad Cabdinuur C. Soofe

Hadalsame Media