Booliiska Kenya oo sameeyey arrin looga shakisan yahay inuu ku baxareeynayo xerada Dhadhaab

0

(Gaarisa) 30 Maarso 2021 – Booliiska Kenya ayaa sheegay in ay qabteen 3 qofood oo laga shakisan yahay iyo hub farab badan mar ay howlgal ka sameeyeen Ismaamulka Garissa County oo ku dheggan Somalia.

Rono Bunei, Taliyaha Booliiska Woqooyi Bari, ayaa sheegay in 3-da nin la qabtay mar ay tahriibinayeen 8 qori, 2,104 xabbo oo rasaas ah iyo 20 liitar oo bansiin ah mar ay ku safrayeen jidka mashquulka badan ee Lagdera halkaasoo ay ku qabteen booliis cayrsanayey 4 saacadood.

Bunei ayaa intaa raaciyey in uu gaarigu uu xawaareeyey oo uu kaymaha ku orday markii uu booliiska arkay, taasoo keentay in la cayrsado abbaarihii 5 p.m. aminta maxalliga ah.

Meesha ay arrintani ka dhacday ayaa u dhow xadka haatan ee Kenya-Somalia iyo Dhadhaab oo ay ku jiraan qaxooti kuwa ugu badani ay Somalia kasoo jeedaan, iyadoo ay Kenya dhowaanahan sheegtay in xeradaas la xiro iyagoo ku doodaya jiritaanka dhibaato amaan, sida argagixiso. Lamana oga in arrintan lagu toosinayo warkaasi.

Hadalsame Media